Daawo : Sida ay u dhacday Doodii Xildhibaannada Golaha Shacabka ee maanta

11-Septmber-2023- Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 25-aad ee Golaha Shacabka.

Ajandaha kulanka oo ahaa qeybinta iyo akhrinta 3-aad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo-doonka Soomaaliya, soo jeedin mooshin ku taariikhaysan 29-08-2023 ee ku saabsan Jeneraal Sheegoow. Sidoo kale 16 Xildhibaan ayaa soo gudbiyay mooshin ku saabsan wax ka bedel sharciga akhrinta sadexaad maraya iyaga oo dalbaday in qodobo qaar wax ka bedel lagu sameeyo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa akhriyay mooshinka ku saabsan Jeneraal Sheegoow, waxaana uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka faray in Ku-simaha Xoghayaha Guud uu ku wareejiyo guddiga Amniga si ay baaritaan ugu soo sameeyaan warbixintoodana Golaha kusoo celiyaan.

Guddoomiyaha oo gunnaanadka kulanka soo xiray, ayaa sheegay in Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga kusoo daraan soo jeedinta xildhibaanad犀利士 a ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo-doonka Soomaaliya, islamarkaana maalinta Arbacada la horkeeno fadhiga Golaha Shacabka.

Leave a Reply