Xildhibaannada Golaha Shacabka oo soo gabagabeeyay doodda Hubka Sharci darrada ah

29-July-2024″ Xildhibaannada Golaha Shacabka oo soo gabagabeeyay doodda Hubka Sharci darrada ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa sideedaad, waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Kulanka maanta ayaa Xildhibaannada waxa ay kusii amba qaadeen ka doodista hubka sharci darada ah ,dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda xildhibaanadda ajendahaas oo ay Xildhibaannada ka doodayeen labadii kulan ee ugu dambeeyay.

Xildhibaannada Ajendahan aragtiyadooda ka dhiibtay ayaa aad uga hadlay dhibaatooyinka ay dagaal beeleedyada bulshadeena u leeyihiin iyo sida ay muhiim u tahay in la sameeyo qorshe kasta oo looga hortagi karo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maanta lasoo gaba gabeeyay dooda ku saabsan hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda Xildhibaannada sidoo kalena arinta hubka loo xilsaaray guddi gaar ah si uu warbixin golaha ugu soo celiyo.

Sidoo kale guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay In arinta ku saabsan dagaal beeleedyada uu la wareegay guddiga ku shaqada leh si uu ugu guur galo wixii warbixin ahna golaha ugu soo celiyo.

Ugu dambeyn guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Dalka ayaa sheegay in arinta ku saabsan xasaanadda Xildhibaannada uu golaha kasoo saari doono xeer gaar ah.