“2” January “2022” Garoowe
Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ka dhacday doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tah壯陽藥 ay Maamulka Puntland.
Doorashada kursiga #HOP192 ee doorashadii ka dhacday Garoowe ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Maxamed Faarax Nuux iyo Ruwayda Maxamuud Maxamed, waxaana doorashada kusoo baxay Maxamed Faarax oo helay 91 Cod.
Kursiga #HOP094 ayaa waxaa kusoo baxay Sahra Cabdullaahi Cigaal oo heshay 87 Cod, isla markaana waxaa doorashada kursigaas kula tartantay Fardowso Maxamed Aadan, halka kursiga #HOP121 ay ku guuleysatay Farxiyo Yuusuf Cumar oo gacan taag loogu coddeeeyay, kadib markii tartanka ka hartay Nimco Cumar Cabdi.
Doorashada kursiga #HOP014 ayaa waxaa ku tartamay Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar iyo Cabdirisaaq Axmed Xuseen, waxaana ku guulaystay Daa’uud Cabdikariin oo helay 90 Cod, isagoona doorashada kula tartamay Cabdirisaaq Axmed Xuseen.
Kursiga #HOP075 ayaa waxaa Cod gacan taag ah loogu coddeeyay oo ku guulaystay Cabdiqani Maxamuud Maxamed, ka dib markii uu u tanaasulay Axmed Cabdiraxmaan Cilmi, wuxuuna Cabdiqani Maxamuud 98 Cod.
Doorashada kursigii ugu dambeeyay ee doorashadiisa ka dhacday Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ee tirsigiisu yahay #HO174 ayaa waxaa Cod gacan taag ah ugu soo baxay Khadra Axmed Maxamed, ka dib markii layla Cabdi Faarax ay u tanaasushay.