Xildhibaano ku soo baxay Doorashooyinka Aqalka hoose oo ka dhacay Muqdisho Iyo Baraawe

10″ February” 2022″

Waxaa Maanta Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ka dhacday doorashada lix kamid ah kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Baraawe.

Kursiga tirsigiisu yahay Hop-250 ayaa waxaa kusoo baxay Cali Maxamed Sheekh oo helay 80 Cod, halka Musharaxii la tartamayey ee Cabdala Maxamed Shariif uu isna helay 17 Cod, ma jirin Cod ka halaabay doorashada oo la shaaciyay.

Maxamed Yuusuf Xasan ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-160 ee Xubinnimada Golaha Shacabka, isagoo helay codad gaaraya 73 Cod, halka Musharaxii la tartamayey Cali Abuukar Maxamed uu isna heley 12 Cod.

Doorashada kursiga Hop-173 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Cabdifataax Cabdulaahi Araye iyo Cabduhaab Cali Axmed, waxaana doorashada kusoo baxay Cabdifataax oo helay 73 Cod, Cabduhaab ayaa isna helay 16 Cod.

Aweys Xuseen Macalin ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-080 ee Xubinnimada Golaha Shacabka, isla markaana waxa uu helay codad gaaraya 76 Cod halka Musharaxii la tartamayey Maxamed Cusmaan Jibriil uu heley 20 Cod.

Kursiga Hop-155 ayaa waxaa kusoo baxday Jawaahir Cadaawe Cabdi oo heshay 76 Cod, waxaana Musharaxii kale ee la tartamaysay Mariya Maxamed ay heshay 14 Cod, iyadoona kursiga ugu dambeeyay ee doorashadiisa lagu qabtay Baraawe ee Hop-150 uu kusoo baxay Cabduqaadir Cabdiraxmaan Dhuure oo helay 85 Cod, halka musharaxii la tartamayey Maxamed Cali Ibraahim uu heley  5-cod.

Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa shalay ilaa iyo Maanta lagu doortay 13 kursi oo kamid kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Magaaladaas, waxaana Maamulka KGS uu noqday maamulkii ugu horreeyay ee bilaaba deegaan doorashada

MUQDISHO XILDHIBAANO GACANTAAG KU SOO BAXAY

壯陽藥 -1.jpg” alt=”” class=”wp-image-48568″/>

Doorashada shan kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#205 ayaa waxaa ku tartami lahaa laba Musharax oo kala ah Axmed Cabdi Kooshin iyo Muna Xusen Farax, hayeeshee inta aysan bilaaban doorashada ayey tartanka ka hartay Muna Xuseen, waxaana sidaas ku guuleystay Axmed Kooshin oo loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, isagoo helay 99 Cod.

Kursiga HOP#263 ayaa waxaa kusoo baxay Muuse Siciid Jaamac oo loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, kadib markii ay u tanaasushay Khadra Cabdi Maxamed oo la tartami laheyd, Muuse Siciid ayaana helay 101 Cod oo ah Codadkii Ergada.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#240 ayaa waxaa ku tartami lahaa Cali Maxamuud Aadan iyo Rooda Maxamuud Axmed, waxaana kursiga ku guuleystay Cali Maxamuud oo loogu coddeeyay Cod gacan taaga ah, isagoo helay 98 Cod.

Kursiga HOP#271 ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ku soo baxay Cali Cabdi Ibraahim oo loogu coddeeyay gacan taag, kadib markii ay tartanka ka hartay Fatxiya Absiiye Wacays oo la tartami laheyd Cali oo helay 90 Cod.

Doorashada kursiga ugu dambeeyay ee tirsigiisu yahay HOP#241 ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiqani Ismaacil Saciid oo qaab gacan taag ah loogu coddeeyay, isagoona helay 91 Cod, waxaana u tanaasushay Ayaan Ismaacil Cabdi oo la tartami laheyd.

Leave a Reply