Xildhibaano uu ku jiro Musharaxa madaxweyne mustaf shiiq cali dhuxuloow oo lagu doortay magaalada dhuusmareeb

3″ February “2022” Dhuusamareeb”

Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ka dhacday doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#049 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo deegaan doorashadiisa tahay Galmudug.

Doorashada kursiga HOP#049  ayaa waxaa ku tartamay Afar Musharax oo kala ahaa Cabdullahi Cabdi Guutaale, Jamiilo Cali Xayle, Cabdinuur Ciise Xiireey iyo Mustaf Sheekh  Cali Dhuxulow oo dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kursiga Golaha Shacabka

97 ergo ayaa coddeeysay doorashada kursiga, waxaana kusoo baxay oo ku guuleystay Mustaf Dhuxulow oo helay Codad gaaraya 68 Cod, halka Musharaxii la tartamay ay kala haleen Cabdullahi Guutaale 21 Cod, Jamiilo Cali Xayle 5 Cod iyo Cabdinuur Xiireey oo aan wax Cod ah helin, saddex Codna waa halaawday.

Guddiga doorashada Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay Natiijada doorashada ayaa sheegay in Mustaf Sheekh  Cali Dhuxulow uu ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#049 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya.

Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kursigaas, waana kursigii ugu horreeyay oo afar Musharax u tartameen, isla markaana doorashadiisa loo galay tartan adeg.

Cabdisamad Macalin Maxamuud Oo Loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#139 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ayaa dhowr daqiiqo kahor kusoo dhammaatay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Doorashada kursiga HOP#139 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Xamdi Cali Shire iyo Cabdisamed Macalin Maxamuud Xasan oo uu dhalay hoggaamiyaha Ururkii Ahlusunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe Macalin Maxamuud…

Cabdisamad Macalin ayaa kusoo baxay doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb, isagoona loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii uu tartanka doorashada ka haray Musharaxii la tartami laheyd ee Xamdi Cali Shire.

Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in Cabdisamad Macalin Maxamuud uu ku guuleystay kursiga HOP#139 ee Golaha Shacabka, isal markaana uu helay 101 Cod oo gacan taag dhammaan codadka lagu siiyay.

Doorashada kuraas kale oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isla Maanta lagu qabanayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Leave a Reply