2″ January “2022 ” Muqdisho
Doorashada afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maantaa oo Arbaco ah lagu qabtay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Dugsida tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaariye.
Doorashada kursiga HOP#268 ayaa waxaa ku guuley犀利士 stay Maxamed Cali Xagaa oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kursigaas, waxaana doorashadii dhacday loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, kadib markii uu tartanka ka haray Musharaxii kale ee Axmed Muumin Waaliye.
Kursiga HOP#267 Xildhibaan Saynab Maxamed Caamir oo horey ugu fadhiday kursiga ayaa ku guuleystay mar kale, iyada oo loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, waxaana u tanaasushay Sucaado Muumin Maygaag oo la tartami laheyd Saynab Caamir.
Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#236 ayaa waxaa ku guuleystay Xildhibaan Cadnaan Cismaan Cilmi ( Boqore) oo ku fadhiyey kursigaas, isla markaana waxaa loogu codeeyay Cod taag ah, kadib markii uu u tanaasulay Musharax la tartami lahaa ee Farxaan Cabdilahi Cali.
Kursiga ugu dambeeyay ee doorashadiisa Maanta dhacday oo tirsigiisu yahay HOP#269 ayaa waxaa qaab gacan taag ah loogu coddeeyay Cabdiraxmaan Maxamed Cumar, waxaana tartanka ka haray Buuxo Maxamed Cismaan oo markii hore Musharax aheyd