27″ Jan”2022″ Muqdisho” Radio Dalsan”
Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta ka dhacday Xarunta Teendhada Afiysooni ee Magaalada Muqdisho, waxaana doorashada dhacday lagu doortay saddex kursi.
壯陽藥 — /wp:paragraph –>Doorashada kursiga HOP#244 ee Gobolada Waqooyi ayaa waxaa isku soo sharaxay laba Musharax oo kala ah Kaltuun Xayir Jaamac iyo, Siciid Maxamed Maxamuud, waxaana doorashada kusoo baxay Siciid Maxamed oo Cod gacan taag ah loogu coddeeyay.
Ifraax Maxamed Cawad ayaa ku guuleystay kursiga HOP#037 ee Golaha Shacabka, iyadoona loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, kadib markii tartanka doorashada ka tanaasushay Caasha Cabdilaahi Warsame Diiriye oo la tartami laheyd Ifraax Maxamed
Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#238 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir iyo Cabdilaahi Cabdiqani Ibraahim, waxaana doorashada kusoo baxay Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh.
Ismaaciil ayaa loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, isagoona ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP#238 ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.
Guddiga maamulka Doorashada kuraasta Gobolada waqooyi Somaliland SEIT ayaa ku dhawaaqay dhammaan Natiijada saddexdii doorasho ee tartan la’aanta aheyd ee Maanta ka dhacday Teendhada Afiysooni ee Magaalada Muqdisho.
Doorashada Kuraas Ka Tirsan Golaha Shacabka Maanta Ka Dhaceysa Dhuusamareeb
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo khamiis ah ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka..
Guddiga doorashada Galmudug ayaa maalintii shalay aheyd soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta Musharaxiinta u tartamaya afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaasi oo ay deegaan doorashoodu tahay Galmudug.
Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#089 ayaa waxaa ku tartamaya oo loo diiwaan-geliyay saddex Musharax oo kala ah Yaasiin Cabdi Jaamac, Qaasim Cabdikariin Cilmiseed iyo Baar Maxamed Raage, halka kursiga HOP248 loo xiray Jeneraal Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaano Saadaq Jon.
Sidoo kale kursiga HOP096 ayaa ku loolami doono Qaali Axmed Diiriye iyo Xakiimo Xirsi Cali, halka kursiga HOP64 ay ku tartamayaan Ganacsade Maxamed Ibraahim Cali Maxamed Cajiib iyo Cabdullaahi Iimaan Afrax.
Doorashada Maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona wafdi ka socda Guddiga doorashadooyinka heer Federaal iyo kuwa doorashada Maamulka Galmudug.