10- September-2023- BBC
Xiriir Dhexmara Soomaaliya iyo Israel” Wuxuu noqon karaa Suurtagal !!
BBC ayaa daabacday sheeko ku saabsan Warbaahinta Israel oo baahisay qorshe ay sheegeen in wasaaradda arrimaha dibeda ee dalkaas ay ku dooneyso inay xiriir kula yeelato Soomaaliya, iyaga oo sheegaya inay kulamo dhexmareen madax sare oo ka kala socda Soomaaliya iyo Israel.
Soomaaliya iyo Israel weligood ma yeelan xiriir dublimaasiyadeed, iyada oo Soomaaliya ay ka mid ahay dalalka mayalka adag ee sida weyn u taageera qadiyadda Falastiiniyiinta
Laakiin dhowr ka mid ah warbaahinta Israel ayaa sii kordhiyay tebintooda ku aadan in madaxda Soomaalida ay muujiyeen inay danyenayaan xiriir ay la yeeshaan Israel.
Wargeyska Times of Israel ayaa horey u baahiyay labadii madaxweyne ee ugu dambeysay,talada Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud, inay la kala kulmeen waqtiyo kala duwan Raysal wasaaraha Israel Netanyahu 2020kii iyo 2016kii.
Wargeyska oo soo xiganaya dublumaasiyiin aysan shaacin magacyadooda ayaa tilmaamay in labada madaxweyne ay safar qarsoodi ah ku tageen Tel Aviv xilliyo kala duwan iyaga oo kulan la yeeshay Benjamin Netanyahu.
War kale oo la faafiyay sanadkii hore ayaa sheegay in markale madaxweyne Xasan Sheekh uu safar qarsoodi ah ku tagay Israel xilli uu booqasho ku joogay Imaaraatka Carabta bishii Juun ee sanadkii hore.
Warkaas ayaa soo baxay kadib markii xubnaha waftiga madaxweynaha la socday lagu karantiilay hoteelkii ay ka dageen Imaaraatka carabta kadib markii laga helay Corona_virus, taas oo kordhisay maalamaha safarka madaxweynaha ee dalkaas oo markii hore loo qorsheeyay labo cisho.
Wargeyskan iyo telefishinka Channel 12 ee Israel ayaa baahiyay in madaxweynaha maamulka la baxay Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu u sheegay Mareykanka in uu sameeyay iskuday uu xiriir kula sameynayo Israel balse uusan helin wax jawaab ah.