Xisbiyada mucaaradka oo Xukuumadda Muuse Biixi la wadaagay dalab ay wataan

7′ “Aug” 2022″ Hargeysa”

犀利士 lass=”wp-block-image aligncenter size-full is-resized”>

Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta sheegtay in ay qaabishay mas’uuliyiin ka socotay Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCUD iyo WADANI, kuwaas oo ay xustay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ay la wadaageen qoraal ay mudaharaad ku dalbanayaan Xisbiyada Mucaaradka ahi.

Wasiirka ariimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdirashiid Xirsi Cali iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Labada xisbi mucaaradka ayaa maanta u gudbiyey Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland, qoraal ay ku dalbanayaan Mudaharaad, balse wasiirka arimaha gudaha ayaa ka guddoomey Warqada ka timi Xisbiyada Mucaaradka ah, isaga oo Wasiirku Xafiiskiisa ku soo dhoweeyey masuuliyiinta qoraalka sidey.

Wasiirka ayaa u sheegay masuuliyiinta ka socdey labada xisbi in ay fariin ku celinayaan Guddoomiyayaasha Labada Xisbi Mucaarad, taasoo ah kulan uu Wasiirku kala yeelan doono dalabkooda ah Mudaharaad, taasoo xeerku dhigayo in laga wada hadlo arrimaha Mudaharaad.

Sidoo kale, wasiirku ayaa dhinacyadii ka socdey Xisbiyada Mucaaradka u sheegay, in uu diyaar u yahay meelkasta oo ay jecel yihiin in kulanku ka dhoco uu diyaar u yahay wasiirku, hadii ay Guddoomiyayaasha Xisbiyadu ay ka cudur daartaan ay yimaadaan xarunta wasaaradda arimaha gudaha Somaliland.

Ugu dambeyn, masuuliyiinta ka socdey labada Xisbi Mucaarad ah ayaa iyana dhinacooda balan qaaday in ay fariintaa u geynayaan guddoomiyayaashooda.

Leave a Reply