26″ September “2022” AFP/ Aljazeera
Xog cusub ayaa muujinaysa in wada hadal furan – iyo ciyaaraha qoob ka ciyaarka – ay ka shaqeeyeen in lagu guuleeysto la dagaalanka nacaybka Markii ay kordheen weerarda kooxaha hubeeysan iyo rabshadaha isirka & diinta ku saleeysan ee gobolka Saxil The Sahel region
Gabriela Ramos oo ah Kaaliyaha Agaasimaha Guud ee Sayniska Bulshada iyo Aadanaha ee UNESCO ayaa sheegay in tafsiirrka gurracan ee dhaqanka nacaybka iyo jaahilnimada, colaadda kooxaha hubaysani uu khatar ku noqday aasaaska bulshooyi, jeexjeexay wadajirkooda, iyadoo Tilmaanta laga bixiyay Nabaddgalyo xumada ay sheegtay in 17 boqolkiiba ay kordheen weerarradan sadii hore ee 2021-ka.
Gobolka Saaxil ayay si gaar ah u saamaysay Dawladnimada jilicsan iyo xasillooni-darrada, oo ay sii kordhiyeen afgambiyadii ugu dambeeyay ee gobolka, taas oo ka dhigay meelo ay ku horumaraan kooxaha hubaysan iyo kuwa aan dawladda ahayn.
Shabakad adag oo ka hawlgala gobolka Saaxil – ooy ugu horeeyaan kooxaha xiriirka rasmiga ah la leh al-Qaacida ama kooxda hubaysan ee ISIL (ISIS) iyo kuwa kale
Muwaadiniinta ku nool Saaxil waxay la nool yihiin cabsi dhab ah oo joogto ah oo laga qabo weeraro hubeysan mid ka mid ah 10kii muwaadin ee Burkina Faso, Niger, Nigeria, Cameroon iyo Mali ayaa shakhsi ahaan la kulmay dhibaato amni oo isir iyo diin ku saleeysan
Gobolka ayaa 35% ka ah dhimashada “argagixisada” caalamka sanadka 2021 iyadoo kala bar 10-kii weerar ee ugu dhimashada badnaa ay ka dhaceen Burkina Faso iyo Niger.
Rabshadahani waxay sii kordhinayaan caqabadaha kale ee gobolka, iyadoo 1.6 milyan oo qof ay soo food saartay dhibaato haqab-beeleed oo xaga cuntada ah, halka 1.9 milyan oo qof oo ku barakaceen gudaha dalalkaas, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay
Laakin hada arimahaas waxaa muuqata in si loo soo xiro la dhiirigaliyay dhaqanka iyo is,dhaxgalka bulshada la xoojiyay Qoob ka ciyaarka hidaha bulshooyinkaas oo lagu dhayo dhibaatada isir,nacaybka
Qoob ka ciyaar sidii wada hadal
Haddaba sidee buu u eg yahay wada-hadallada dhaqammada dhexdooda? Waxaa laga yaabaa in uusan jirin tusaale ka fiican hal-abuurka faneed ee reer Chad Taïgué Ahmed, Qaxootiga Soconaya (ROM). Waxaa bilaabay Ahmed iyo ururkiisa Ndam Se Na, oo macneheedu yahay “aan wada dheelno”, ROM waxa ay u isticmaashaa qoob ka ciyaarka qalab ahaan dhexdhexaadinta bulshada iyo dhaqanka ee xeryaha qaxootiga.
Fikradda ayaa ah in la caawiyo qaxootiga la tacaalida dhaawacyada, la dhimo rabshadaha ka jira xeryaha ay ku nool yihiin bulshooyin kala duwan oo ka soo jeeda dhinacyada suurtagalka ah ee iska soo horjeeda iyo in la abuuro xiriir ka dhexeeya iyaga iyo sidoo kale dadka deegaanka. Maanta, ROM waxaa taageeray Sanduuqa Horumarinta Farshaxanka Afrika iyo Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Qaxootiga. ROM wuxuu barnaamijyo ka wadaa xeryaha qaxootiga ee Afrika oo dhan, oo ay ku jiraan Burkina Faso iyo Chad ee Sahel.
Wareysigii ugu dambeeyay ee UNESCO’s Artlab podcast, Axmed wuxuu iftiimiyay awoodda wax beddelka ah ee wada-hadallada dhaqamada dhexdooda. “Qaxootiga, marka ay qoob-ka-ciyaaraan, waxaan u aragnaa inay yihiin fanaaniin, taas oo markii horeba wanaagsanayd,” ayuu yidhi. “Waxaan aragnaa is-dhaafsigan u dhexeeya iyaga iyo dadweynaha … kaas oo abuuraya isku-xirnaanta kalsoonida, yaraynta khilaafaadka iyo caawinta is-dhexgalka
Hindisaha UNESCO ee Awood-siinta Wada-hadallada Dhaqanka, oo la bilaabay iyada oo lala kaashanayo Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda, ayaa markhaati u ah aaminaadda wakaaladda ee awoodda wada-hadallada dhaqammada. Qaab-dhismeedka cusub wuxuu bulshada siinayaa hage ku saabsan sida loo kordhiyo isbeddelka. Haddii aan ka faa’iidaysano xogtan muhiimka ah, waxaan arki doonaa horumar ka socda adduunkeena