Bbcsomali
Dumar dibadbax ka dhigay faranbsiiska, sannadkii 2019-kii ka dib khilaaf ku saabsanaa xirashada xijaabka
Qaar ka mid ah dalalka Islaamka ee Caalamka ayaa weli wada qaadicidda alaabta uu soo saaro Faransiiska ka dib markii madaxweynaha dalkaas lagu eedeeyay “in uu u gefay Nabi Maxamed” NNKH.
Arrintan ayaa ka dhalatay sawir-gacmeed lagu sheegay “Nabi Maxamed NNKH” oo macallim uu tusay ardeydiisa, kaas oo markii dambe lagu bireeyay magaalada Paris ee Faransiiska.
Waxay isu soo baxyo ka dheceen qaar ka mid ah dalalka Islaamka, sida Soomaaliya, Bangladesh, Pakistan, Suuriya iyo kuwa kale.
Bulshada Muslimiinta Faransiiska
Bulshada guud ee dalka faransiiska waxay gaareysaa ku dhowaad 67 milyan. Muslimiinta dalkaas ku nool ayaana lagu qiyaasay illaa 6 milyan oo u dhiganta 9% boqolkiiba oo ka mid ah shacabka guud ee dalkaas, sida lagu ogaaday cilmi baaris la sameeyay sannadkii 2017-kii.
Diinta islaamka waa midda labaad ee ugu wayn ee ku xigta Masiixiyadda, sida lagu xusay warbixinno horey loo soo saaray.
Bulshada Muslimiinta ee ku nool faransiiska waa kuwa ugu badan galbeedka qaaradda Yurub.
Dadkaas badankood, ilaa boqolkiiba 70% waxay asal ahaan ka soo jeedaan Galbeedka Afrika, gaar ahaan dalalkii uu Faransiiska gumeystay ee Aljeeriya, Moroko iyo Tunisiya. Sidoo kale waxaa dhowaanahan ku sii badanayay Muslimiinta ka soo jeeda Bariga Dhexe.
Waxaa kale oo jira dad asalkoodu Faransiis yahay oo qaatay diinta Islaamka, kuwaas oo ku kala nool magaalooyinka waddankaas.
Shacabka Muslimiinta ee ugu badan Faransiiska waa Sunniyiin. Tirada dadka salaadaha u aada masaajidda waxay sare u kacday boqolkiiba 23% sannadkii 2008-dii, marka la barbardhigo 1994-tii oo ay ahayd 16 boqolkiiba, sida ay sheegtay hay’ad kormeerka sameysa oo Faransiiska ka howlgasha.
Bulshada Muslimiinta ee Faransiiska waxay da’dooda u badan tahay kuwa ka yar 24 sano, sida la rumeysan yahay.
Xog sax ah in laga helo way adag tahay, maadaama Faransiiska uu arrimaha diinta iyo jinsiyadda u arkto arrimo shaqsi ah oo gaar u ah qofka.
Muslimiintii ugu horreeyay waxay Faransiiska tageen qarniyo ka hor – balse tiradii ugu badnayd waxay halkaas gaareen xilligii gumeysiga uu billowday iyo xilliyadii dagaalladii xoreynta ee 1954 illaa 1962.
Magaalooyiinka ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan waxay kala yihiin Paris, Marseille, Lyon iyo deegaannada ku xeeran.
Faransiiska wuxuu ka mid yahay waddamada kala saara arrimaha diinta la xiriira iyo arrimaha dowladda iyo bulshada.
Balse waxaa horey loogu eedeeyay in shacabka Muslimiinta ay yihiin kuwa ay sida ba’an u saameysay shaqo la’aanta, ayna ku nool yihiin xaafadaha saboolka ah.
Astaamaha diimaha oo laga mamnuucay goobaha bulshada, waxaa ka dhashay dhaleeceyn ballaaran, waxaana loo arkayay in xijaabka dumarka Muslimaadka ah loola jeeday go’aankaas.
- Waa kuma Macron, Madaxweynaha malaayiinta Muslimiinta ah ka careysiiyay?
- Isbarbardhigga awoodda ciidan ee Turkiga iyo Faransiiska
Kaddib markii weerarro argagixiso ka dhaceen Faransiiska sannadihii 2015-kii iyo 2016-kii, arrimaha amniga ayaa ka mid noqday waxyaabaha ugu waaweyn ee ay diiradda saaraan dadka codeeyayaasha ah ee ka qeyb gala doorashada madaxweynaha ee dhaceysa gugan.
Waddankan waxaa xasaasi ka ah in la isku dheellitiro muslinnimada iyo argagixisanimada.
Guud ahaan Qaaradda Yurub Muslimiinta ku nool waxaa lagu qiyaasaa ku dhowaad 16 milyan.
Sidoo kale, Jarmalka oo ku xiga waxaa ku nool illaa 3.3 milyan, Britain-na ilaa 1.6 milyan. Taliyaaniga iyo Netherlands waxaa ku kala nool isku darka ilaa 1 milyan oo Muslimiin ah.
Machadka The Brookings Institution, oo wax ka diyaariya Muslimiinta dalalka reer Galbeedka ayaa sheegay in dhibaato ay ka haysato dhinacyada shaqada, guriyeynta iyo waxbarashada.