28″ May “2021” Friday ”
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay heshiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay isagoo ku baaqay in si dhaqso ah loo hirgeliyo heshiiska la gaaray.
Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska ay wada gaareen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ee ku saabsan hirgalinta Qaabkii doorashada ee 17ka Sebtembar taasoo ka dhalatay shirkii shirkii uu isugu yeeray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.”ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray afhayeenka Xoghayaha Gud ee Qaramada Midoobay Stéphane Dujarric
Xoghayaha guud wuxuu mar kale ku celinayaa muhiimada wada hadalka iyo is af garadka si loo xaliyo qodobo kasta oo ka dhalan kara inta lagu guda jiro hirgalinta, wuxuuna ku baaqayaa in si deg deg ah loo dhiso hay’ado lagu kalsoonaan karo oo maamulka doorashada heer federaal iyo heer maamul goboleed si howsha loo qabto.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.
Ugu dambeyntii Xoghayaha guud wuxuu mar kale ku celinayay sida ay uga go’an tahay Qaramada Midoobay inay dadka iyo dowladda Soomaaliya ka taageerto hirgelinta Qaabkii Doorashooyinka ee 17ka Sebtember iyo in la qabto hanaan doorasho oo waqtigiisa ku dhaca