Xoghayaha guud ee Q/Midoobay António Guterres ayaa ergey cusub u soo magacaabay Somalia

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Raisedon Zenenga oo reer Zimbabwe ah in uu noqdo Ku-xigeenka cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.

Mr. Zenenga ayaa xilkan kala wareegaya Anita Kiki Gbeho oo reer Ghana ah oo dhawaan waqtigii ay ka howl-galeysay dalka uu soo dhammaaday.

Anita Kiki Gbeho ayaa bishii December 30-keedii 2020 loo soo magacaabey inay noqoto ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ayaa uga mahad-celiyey Ms. Gbeho shaqadii iyo dadaalkii ay ku bixisay shaqada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Hadaba Waa Kuma Ergeyga Cusub..?

MR: Raisedon Zenenga waxa uu soo noqday ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u jooga Liibiya, halkaas oo uu sidoo kale u soo shaqeeyay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Isuduwaha Hawlgalka Qaramada Midoobay e Liibiya (UNSMIL) tan iyo 2020.

Mr. Zenenga wuxuu keenaa khibrad ballaaran oo ku aaddan taageerada hababka siyaasadda iyo dhexdhexaadinta, maaraynta hawlgallada nabadda ee adag, iyo la shaqaynta dawladda iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah ee colaadaha iyo goobaha colaadaha ka dib.

Waxa uu in ka badan 30 sano oo khibrad ah u leeyahay Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan hawlgallada Qaramada Midoobay ee Liberia, Libya, Iraq-Kuwait, Sierra Leone, Somalia iyo South Sudan, iyo sidoo kale Xarunta Qaramada Midoobay.

Waxa uu hore u soo qabtay xilalka Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Koonfurta Suudaan.

Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay doorar kale oo sarsare oo ka tirsan Xarunta Qaramada Midoobay ee taageerta hawlgallada nabad ilaalinta ee Afrika. Mr. Zenenga waxa uu xirfadiisa shaqo ka bilaabay Adeegga Diblomaasiyadeed ee dalkiisa.

Mr. Zenenga ayaa ka qalin jabiyay Jaamacadda Zimbabwe, halkaas oo uu ku bartay maamulka guud iyo cilmiga siyaasadda.

Leave a Reply