Xoghayaha Ururka Qareenada Soomaaliyeed Garyaqaan Daahir Maxmed Cali (Carab) ayaa ku tilmaamay sharci darro magacaabida xubnaha golaha adeegga garsoorka ee ay ansixiyeen golaha wasiirada.
Qoraal uu soo saaray xoghayaha ururka Qareenada Soomaaliyeed ayuu ku sheegay sababaha uu magacaabistan ku yahay sharci darro. Isaga oo ku bilaabay
30/7/2020, waxaa la shaaciyey in Xukumadda xilka siihaysa ay magacawday 5 Xubnood oo ka mid noqon doono Xubnaha Golaha adeegga garsoorka! magacaabistaas waxa ay baalmarsantahay Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka sababaha soo socda awgood
Ugu horrayntii golaha wasiirradu waxa uu soo jeedin karaa 3 Xubnood oo ka mid noqonaaya golaha adeegga garsoorka, labada kale waxaa soo magacaabaaya ururka qareennada Soomaaliyeed, sida ay qabto farqadda labaad ee qoddobka Qodobka 109A ee Dastuurka-KMG, sidoo kale Xarafka E farqadda 1aad ee Qodobka 6aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka sharci Lambar 28 soona baxay 8/7/2014 waxa ay u qorantahay sidaan:- “Labo Qareen Sare oo xubin ka ah Ururka Qareennada Soomaaliyeed uu soo magacaabay Golaha Qareenada Soomaliyeed oo xilka haynaya muddo afar Sano Ah
Sidaas awgeed waxaa cad oo aan shaki ku jirin in golaha wasiirradda ee xilka siihaya uu magacaabay xubno aan Dastuurka iyo Sharcigu midna aysan siin magacabistooda.
Shanta Xubnood oo ay magacawday Xukuumaddu Xilka sii haysa ma aha Xubno buuxiyay Shuruudaha Ku xusan qoddobka 8aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka
Xukuumadda Xilka siihaysa shaqadeedu waa sii wadidda hawlihii horay Xukumaddu u billowday inta aan lagala noqon kalsoonida, sidaas daraadeed Xukumad aan kalsoonida Baarlamaanka haysan ma magacaabi karto golayaal cusub mana keeni karto wax ka duwan hawlihii horay u socday sida laga fahmaayo micnaha qoddobka 103aad ee Dastuurka.
Ugu dambayntii magacaabista shalay dhacday waxay baalmarsantahay Dastuurka iyo sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka waana ku tumasho sharci oo qaawan, sidaa awgeed waxaan labada aqal ee Baarlamaanka ka rajaynaynaa in aysan aqbalin sharci darro, sidoo kale waxaan rajaynayaa in ururka qareennadu qaato talaab kasta oo sharci oo looga hortagaayo ku tumashada sharciga ee Xukuumadda kalsoonida barlamaanka waysay.