Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa shaaciyay in maanta uu maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdifitaax Cabdullahi Maxamed Geeseey, loona garan ogyahay Xaaji Kaash ayaa kooxda u qaabilsanaa dhanka maaliyadda.
Xaaji Kaash ayey maxkamadda gobolka Banaadir isla maanta u gudbisay xabsi ku hayn kumeel-gaar ah, kadib markii maxkamadda ay ku qanacday cadeymaha hordhaca ah ee xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.
“Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa waxa uu horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir Xaaji Kaash oo argigixisada u qaabilsanaa maaliyadda.
Xafiiska ayaa markuu soo dhameystiro baaritaanka ayaa waxaa la bilaabi doona maxkamadeynta eedeysanaha,” ayaa lagu yiti qoraal kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta qaranka.
Ninkan ayaa loo haysta fal-dambiyeedyo kala duwan oo ay kamid yihiin; maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqid, sida uu qoraalka uu maanta soo saaray ku sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.
Maxkamadeynta horjooge Xaaji Kaash ayaa dib u bilaaban doonta kadib marka uu xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka uu soo dhameystiro kiiskiisa oo xasaasi ah.
Xeer ilaalinta ayaa xaqiijisay inay ka go’an tahay la-dagaalanka dabar-goynta dhaqaalaha iyo maaliyadda argagixisada, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.