Xoogaga TPLF oo Farriin U Diray dhallinyarada Soomaalida Ethiopia

30″ Aug”2022 Wakaaladaha Wararka”

Maxay xambaarsan tahay. fariinta TPLF ay u direen dhalinyarada soomaalida iyadoo dgaalka dib uga soo cusboonaaday Waqooyiga Itoobiya uu galay maalintii toddobaad.

TPLF waxay qabsatay magaalada Qobbo oo ay ka baxeen ciidamada Itoobiya kaddib markii dhulka buuraleyda ah oo magaaladaas ku teedsan oo ay labada dhinac dagaallo ku dhex mareen.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda oo xalay wareysi siiyay Telefishinka Tigray ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka waxa keenay, macluusha deegaanka Tigray ka jirta iyo wadahadallada nabadeed ee labada dhinac u dhaxeeyay halka ay ku dambeeyeen.

Getachew wuxuu farriimo kala duwan u diray qowmiyadaha dalka Itoobiya, isaga oo u jeediyay in aysan qeyb ka noqon dagaalka ka socdo waqooyiga dalkaas.

Qowmiyadaha uu farriinta u diray waxaa ku jirta Soomaalida deggan dalkaas, gaar ahaan dhallinyarada. Isagoo si gaar ah u magacaabay qabiil ayuu ku taliyay in aysan u ololeyn in Walqayti ay leedahay Amxaarada.`

Wuxuu yiri: “Walqayti Amxaarada iyo shacabka Amxaarada iskama laha. beeraleyda Amxaarada goormee ayay Walqayti yeesheen kana faa’ideysteen? …ma jirto sabab ay dhallinyarada Soomaalida ah ugu dhammaanayaan,” ayuu yiri Getachew Reda.

Wuxuu sheegay dadaalka ay ugu jiraan ‘inay aayahooda u halgamaan’ waa sida uu hadalka u dhigaye ‘xabbadda ay ridayaan in aysan kala garaneyn Soomaali, Amxaara, ama cid kale. Ma kala garaneyso xabbadda, qofka wajiga ayay uga dhaceysaa’.

“Maxaan ubadkeenna u waayeynaa? Annaga ayuu khasaare badan na soo gaaray, waa dhimannay, waxyeello badan baa na soo gaartay. Hantidii dalka Itoobiya uu lahaa oo dhanna si hal qof loo raalligeliyo, ganacsato koobanna danahooda loogu fuliyo ayay shacabka Tigray wajaheen dhibaato aysan mudneyn,” ayuu yiri Getachew.

Afhayeenka TPLF waxaa uu sheegay inay mar walba diyaar u yihiin in colaadda wadahadal nabadeed lagu soo犀利士 afjaro, uuna aaminsan yahay in maalin miiska wadahadalka la isugu imaan doono.

Mar uu ka hadlayay macluusha haysata shacabka deegaanka Tigray, wuxuu sheegay inay shacabka Tigray haysato macluul iyo gaajo aan taariikhdooda horay u soo marin.

“Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP oo warbixin ka soo saartay xaaladda macluusha ka jirta goboka tigray ayaa sheegtay 89% shacabka Tigray inay xaalad macluul ah ku sugan yihiin iyo in maalintii hal mar ka badan wax ay cunaan aysan haysan,” iyadoo maalintii todobaad uu galay ka dib markii uu burburay xabad joojin billo jiray

“Gobolka Tigray haddii uu dal madaxbannaan noqdo oo Itoobiya uu ka go’o iyo haddii uu Itoobiya ka sii mid ahaado intaba, wuxuu mar walba deris la sii ahaanayaa deegaanka Amxaarada oo waan is-hurannahay,” ayuu yiri Getachew Reda.

Dhanka kale, afhayeenka TPLF wuxuu beeniyay warka sheegaya in ciidamadooda ay qabsadeen magaalada Waldiya ee ka tirsan deegaanka Amxaarada.

Leave a Reply