Xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka.

2″ Aug”2022″

Ibraahim Macallin Yuusuf oo Magaciisa Afgarashada Kooxda nabadiidka Al-shabab loo yaqaanno (Suleymaan) ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 60-aad ee magaalada Baydhaba.

Wuxuuna Sheegey in sababta ku kalliftey in Al-shabab uu isaga soo baxo ay tahay dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, dhaca xoolaha jo犀利士 ogatada ah ee xoola dhaqatada.

Ibraahim ayaa sheegay inuu Al-shabaab ka tirsanaa muddo Sagaal bil ah, tababarna uu kusoo qaatay xarun ay Argagixisadu ku leedahay Gobolka Gedo, isagoo ka mahad celiyay sidii ay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed usoo dhaweeyeen.

Leave a Reply