Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo muddo 10 sano lagu xukumay ayaa la ogaaday inuu shalay ka baxsaday Xabsiga dhexe, kaddib dagaalkii sababay dhimasho iyo dhaawac ee shalay ka dhacday Xabsiga Dhexe.
Warar laga helay Saraakiisha Amniga ayaa sheegaya in Mubaarak Ibraahim Iidle uu shalay la baxsaday Xabsiga, intii uu socday iska hor imaadka.
Mubaarak ayaa ahaa Howlwadeen ka tirsan Al-Shabaab, waxaana sanadkii 2014 lagu xukumay 10 sano oo xarig ah.

Ninkan ayaa markii uu sii baxsanayay labo qof ku dilay banaanka Xabsiga dhexe.
Iska hor imaadkii shalay ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ayaa waxaa ku dhintay illaa 15 maxbuus oo ka mid ahaa dableydii dagaalameysay iyo afar askari, sidoo kale 10 lale ayaa dhaawacantay oo 7 ka mid ah maxaabiis ahaa.
Dowladda Soomaaliya ayaa Guddi u saartay inay baaritaan ku sameeyaan dhacdadaas iyo qaabkii maxaabiista ugu suura gashay inay hub gacanta ku dhigaan kaddibna ay muddo saacado ah ka dagaalamaan gudaha xabsiga