8″ January “2022” Muqdisho
Shir ay yeelanayaan Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoomiyo Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa caawa ka socda hotelka Decale ee ku yaal gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalaya oo xaadir ku ah dhammaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sida uu sheegay afhayeenka xukuumada.
Shirkan ayaa qeyb ka ah kulamada looga arrinsanayo arrimaha ammaanka iyo doorashada dalka.
Kulanka ayaa u muuqday In uu daba socda shirkii laysku mari waayay ee looga hadlayay arimaha doorashada