Xubnaha mucaaradka Puntland ayaa ku dhaqaaqay tallaabo culus ku sii kordhineysa xaaladda cakiran

13- July-2023-

Xubnaha mucaaradka Puntland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan xaaladda cakiran ee maamulkaasi, waxayna dacwad culus u gudbiyeen maxkamadda dastuuriga ah ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Guuleed Saalax Barre oo ah Guddoomiyihii hore ee Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, kana mid ah mucaaradka ayaa shaaciyay inay dacwaddan gudbiyeen illaa 30 siyaasi oo kasoo jeeda Puntland, isla-markaana ujeedka uu yahay in wax laga qabto gabood-fal u sheegay inuu ku kacay hoggaanka Puntland, gaar ahaan xukuumadda Deni.

“Saaka waxaan gudbinay gal-dacwadeed aan u gudbinay maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland, dacwaddaa waxaa gudbiyay illaa in ku dhow 30 siyaasi oo reer Puntland ah, dacwaddaas waxay ka dhan-tahay gabood falladii aanu u rakeynay hoggaanka hadda xukunka hayo uu ku kacayay taas oo kasoo horjeeda dastuurka” ayuu yiri Guuleed Saalax.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay kalsooni ku qabaan maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland, taas oo qabatay dacawadda ay maanta u gudbiyeen.