Xubno ka kala socda Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo wadahadallo qarsoodi ah uga bilaawday magaalada Nairobi

9-March-2024

Xubno ka socday Dowladda Soomaaliya iyo xubno ka socday Dowladda Itoobiya ayaa shalay wadahadallo qarsoodi ah uga bilaawdeen magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. Labada dhinac waxaa u kala dab-qaadeysa Dowladda Kenya.

Afar xubnood oo matalaya Dowladda Soomaaliya ayaa kulanka ka qeybgalay, kaas oo daba-socda wadahadallo gaar gaar ah oo madaxweynaha Kenya uu la yeesho Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya dabayaqadii bishii lasoo dhaafay, markaas oo la isla qaatay in kooxo hoose ay marka hore mowduuca soo kar-kariyan.

Adduunka TV wuxuu ogaaday in shalay la isku mari waayay nooca hab-qoraalka koowaad. Itoobiyan-ka oo maalmahan dambe aan aad u diidaneyn iney is-afgaradkii ka laabtan ayaa iskudayay in qoraalkaas la mal-daho, laakiin dhinaca Soomaaliya ayaa naloo sheegay iney diideen oo ay taas badalkeeda dalbeen in qodobka kala laabashada si buuxda loo cadeeyo, Marka kadibna dhinaca Itoobiya ayaa la sheegay iney la tashi aaddeen.

Ilaa hada waxaan la hubin in hadii ay kulamadan isku soo dhowaan犀利士 sho keenaan, iney kadib si gaar ah isku arki doonan madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaare Abiye, tiiyoo uu Xasan Sheekh dhowr jeer diiday inuu la kulmo Abiye ilaa uu ka laabanayo is-afgaradkii uu la galay Muuse Biixi.