19″ April “2022 Gedo
Waxaa maanta magaalada Garbahaarrey ee gobolka Gedo gaaray xubno ka tirsan guddiga hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya ee heer federaal iyo kan xallinta khilaafaadka.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga xalinta Khilaafaadka ee doorashooyinka Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in ujeedada ay halkaasi u tageen ay tahay qiimayn ku aadan in ay magaaladu diyaar u tahay in doorasho lagu qabto iyo sidii doorashada kuraasta baarlamaanka ee taalla magaaladaas loo qaban lahaa.
Sidoo kale Cabdiweli oo maaliyadda u qaabilsan guddiga FEIT ayaa sheegay in iyagu ay is xilqaameen, isla markaana ay ku dedaalayaan in kuraasta Gedo aysan ka harin doorashada guddoonka baarlamaanka oo lagu wado inay dhawaan dhacdo.
“Go’aankii 14-kii bishan lagu sheegay inuu ka soo baxay guddiga FEIT ee lagu shaaciyay in lagu wareejiyay deegaan doorashadii labaad ee Jubaland looguna wareejiyay Ceelwaaq ma ahayn go’aan rasmi ah oo guddiga ka soo baxay, mana jirin guddi inta uu farriistay go’aan ka qaatay arrintaas. Guddigana awood uma laha in deegaan sharci ah uu bedalo,” ayuu yiri Cabdiweli.
Waxa uu sidoo kale sheegay in isla maantaba ay billaabeen qaban-qaabada doorashada ay rabaan inay ku qabtaan Garbahaarrey, sida ugu dhaqsaha badanna ay u soo saari doonaan jawdalka doorashada.
Arrintan ayaa timid iyadoo ay soo baxayso kala qaybsanaan guddiga FIET dhexdiisa ah, xilli guddoomiyaha guddiga doorashada heer Federaal iyo xubno la socda ay ku sugan壯陽藥 yihiin magaalada Kismaayo iyagoo doonaya in kuraasta Garbahaarrey taalla lagu qabto magaalada Ceelwaaq.