Xubno Shabaab ah oo ku dhintay miino ay aasayeen

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo ay ku geeriyoodeen xubnihii aasayay, kaas oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka deegaanka Majabto, halkaas oo ay tageen laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, si ay miinada u aasaan, balse iyagii ayaa ku dhintay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha dhintay oo watay mooto Fekon ay doonayeen in miinadaasi ay ku dhibaateeyaan shacabka, balse Alle uu qadaray in isla ayagii ay ku geeriyoodaan qaraxa ay diyaarinayeen

“Dhagarqabayaal katirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ayaa ku geeriyooday duleedka degaanka Majabto ee goblka Shabeeladda hoose halkaasi oo ay doonayeen inay Miinoo ugu aasaan Shacabka isticmaala wadadaasi oo muhiim u ah isusocodka Gaadiidka iyo Dadka gobolkaasi” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale Taliyaha Ururka 26-aad guutada 6-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle Faarax Xirsi Cabdulle ayaa sheegay in ay gaareen goobta uu falku ka dhacay, isaga oo sheegay inay soo bandhigeen labada nin ee ku geeriyootay qaraxaasi.

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo iyo duqeymo xoogan.

Al-Shabaab ayaa miinooyin ku aasa inta badan wadooyinka isaga kala goosha deegaanada iyo degmooyinka gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo cabsi badan ku abuurtay dadka iyo gaadiidka ku safraaya dhulka, iyadoo mararka qaarna ay miinooyinku la kacaan dad rayid ah.