Dalka Nigeria Waxaa Xukun Dil Ah Lagu Riday Fanaan La Sheegay In uu Aflagaadeeyay Nebiga Muxamed N.N.K.H

https://www.bbc.com/

Maxkamad islaami ah oo ku taalla waqooyiga Nigeria ayaa nin fanaan ah ku xukuntay dal dalaad kaddib markii lagu helay dambi ah in uu aflagaadeeyay nebi Maxamed NNKH.

Maxkamadda sare ee shareecada islaamka ee ku taalla Kano ayaa go’aamisay in Yaxya Maxamed Shariif Aminu uu diinta aflagaadeeyay xilli uu qaaday hees si weyn loogu baahiyay barta WhatsApp bishii Maarso,ee sanadkan xiligaas oo Dad careysan oo dibadbaxyo dhigaya ay codsadeen in lasoo xiro fanaanka

Fanaankan oo 22 jir ah ayaa haatan xiran, wuxuu xukunka ka qaadan karaa racfaan.

Waxaana la sheegay in fanaanka uu dhuumaaleysi ku jiray tan iyo markii uu qaaday heestaas.

Dad careysan oo dibadbaxyo dhigayay ayaa gubay gurigiisa isla markaana is hor dhoobay afaafka hore ee saldhigga xarunta booliska islaamiga ee loo yaqaano, waxay codsanayeen in tallaabo laga qaado fanaanka.

Dadka dhaleeceeyay heestiisa ayaa sheegay in ay tahay mid aflagaadeyneyso diinta islaamka oo xitaa uu nin imaam ah ka sare mariyay Rasuulka.

Leave a Reply