Xukun xabsi labo bilood ah oo lagu riday suxufi Cabdalla Axmed Muumin

13″ February “2023”

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun xabsi labo bilood ah ku riday suxufi la yiraahdo Cabdalla Axmed Muumin oo lagu helay dambi ah inuu diiday amar ka soo baxay dawladda oo ku aadanaa inaan la faafin karin, dacaayadna loo sameyn karin afkaarta Al-Shabaab.

Garsooraha maxakamadda ayaa sheegay in Cabd壯陽藥 alla lagu waayay eedeymo kale oo ay kamid ahaayeen inuu sameeyay kicin dadweyne iyo qalqalgalin dhinaca amniga ah.

Garsooraha oo soo xiganayay qodobada xeerka ciqaabta ayaa sheegay in Cabdalla lagu helay dambi ku xusan qodobka 505 ee xeerkaasi, waxaana lagu xukumay labo bilood oo xabsi ah, oo horey u qaatay 11 maalmood oo kamid ah, waxana lagala laabtay damaanad uu bannaanka ku joogay.

Dhanka kale qareennada u doodayay suxufigan ayaa sheegay inay racfaan ka qaadanayaan go’aanka maxkamadda.

Leave a Reply