21″ January “2023
M/Weyne kuxigeenka Maamulka Siciid Dani Axmed Karaash ayaa soo dhaweeyay shir uu sheegay inuu ka bilaabanayo Magaalada Laascaanood oo ay ku kulmayaan waxgaradka SSC-Iyadoo xukuumadda Muuse Biixi ay ka digtay in Laascaanood lagu qabto shir ka dhan ah Somaliland Dheeho.com
Waxaan ka digeynaa inaan wax fara gelin ah lagu samayo ama la Siyaasadeeyo kacdoonka bulsho ee ka socda deegaanada SSC kaas oo sababay in dadka deegaanku isugu yimaadaan Shirweynaha Aaya ka tashiga ee dhowaan ka furmaya degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, Axmed garaash ayaa yiri Isaga oo muujiyay rajada uu ka qabo in uu kasoo baxo wax dan u ah bulshada deegaanadaas”
Dad badan oo isugu jira waxgarad iyo aqoonyahano ka soo jeeda deegaanada SSC ayaa ku sii qul qulaya magaalada Laascaanood, oo ay wali ku sugan yihiin masuuliyiin ka tirsan xukuumada Muuse Biixi iyadoo ay taagan tahay diidmada in LA qaban shirar looga soo horjeedo Somaliland
Maamulka muuse biixi .Ayaaney u suuragalin adeegsiga xoog xa looga dhigo xiisado gilgilay magaalada Laascaanood oo sababay dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale khasaaraha hanti maaliyadeed oo badan
Ganacsade Maxamed Jabuutaawi Oo Dirayska Ciidanka Ku Soo Labistay
Ganacsade Jabuutaawi oo ku sugan Magaalada Laascaanood kana mid ah ganacsatada jaadka keena ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Laascaanood ayaa ku soo labistay dirayska Ciidamada.si uu muujiyo dareenka dadka deegaanka
Ganacsadaha ayaa sawirkan uu dirayska xidhanyahay aad loogu falan qaynayaa maanta baraha Bulshada, iyagoo dadka qaar ku sifaynayaan in ganacsaduhu muujinayo sawirkiisane xaalad colaadeed, halka dadka qaarna ku amaameen faalooyinka ay ka bixinayaan iyagoo sheegaya in qanacsaduhu dadkiisa la dareen yahay manta.
Sawirkan Ayaan ku soo beegmaya xili wax garad badan oo ka soo jeeda Beesha Dhulbahante ay ku qul qulayaan laascaanood, iyadoo xukuumada Muuse Biixina ay uga digtay in aan Laascaanood lagu qaban Karin shirar ka dhan ah Somaliland.