Xukuumadda DanQaran oo soo bandhigtay Qoraalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029

Xukuumadda DanQaran,ayaa maanta soo bandhigtay Qoraalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) 2025-2029, kaas oo uu si rasmi ah u daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo munaasabadda daahfurka ka hadlay, ayaa tilmaamay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hey’adaha dowladda, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Waxa uu intaas ku daray in qorshahani uu yahay mid ku saleysan aragtida guud ee Soomaaliya, taas oo diiradda saaraysa horumarinta iyo hagaajinta adeegyada asaasiga ah ee dalka.