,,24″ January “2023” AP
Xukuumadda Modi ayaa qaaday talaabo caburin ah si ay u horjoogsato dukumentiga BBC ee xasuuqii Gujarat in lagu wadaago warbaahinta bulshada iyadoo qaybta 2aad ee filmka documentariga ah la siidaayay maanta Dheeho.com
Modi iyo Xukuumaddiisu ayaa sameeyay wax u muuqda caburin iyaga oo la wareegay awoodaha deg-degga ah ee hoos yimaada shuruucda tignoolajiyada macluumaadka Hindiya si ay ugu horjoogsato filmka documentariga BBC in lagu wadaago warbaahinta bulshada.
Amarkan “si bareer ah ayuu uga hor imanayaa go’aankii uu dalku ku sheegay fikradaha dimuqraadiga ah”, Beh Lih Yi oo ka tirsan guddiga difaaca suxufiyiinta ayaa bayaan ku sheegay talaadadii has dismissed the documentary,
Qaar ka mid ah Jaamacaha ku yaal Hindiya Ardeyda waxaa laga Mammnuucay la soo degista iyo daawashada filmka BBC ee Modi oo ka hadlaya xasuuqii Gujarat, iyadoo Midowga ardayda Jaamacadda Jawaharlal Nehru ee New Delhi (JNU), oo muddo dheer loo arkayay inay saldhig u tahay siyaasadda garabka bidix, ay Twitter-ka ku sheegeen inay ka baari doonaan dukumentiga, India: Su’aasha Modi,
Masuuliyiinta qaar ka mid ah jaamacadaha Hindiya ayaa ka digay in laga qaadi doono tallaabo anshax oo adag ardeyda ku sii socota la soo degista iyo daawashada baaritaanka qorshaysan ee dukumentiga BBC-da ee ku saabsan Ra’iisul Wasaaraha Narendra Modi, iyo lugtii uu ku lahaa dhimashada 1,0000 qof oo la dilay 2002-dii.
Maamulayaasha jaamacadaha ayaa ku sifeeyay talaabadan in ay u qaadeem in laga fogaado inay ” khalkhal ku yimaado nabadda iyo wada noolaanshaha” ardeyda kala diimaha ah.
Documentary-ga BBC-da oo laba qaybood ka kooban ayaa soo xigtay warbixin ay hore u soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain oo soo xiganaysa ilo aan la magacaabin oo sheegaysa in Modi uu la kulmay saraakiil sare oo ka tirsan booliiska oo uu “ku amray in aysan soo faragelin” weerarrada ka dhanka ah Muslimiinta
Rabshadaha Gujarat ayaa qarxay dabayaaqadii犀利士 bishii February 2002 kadib markii tareen ay la socdeen xujay Hinduu ah uu dab qabsaday, halkaasi oo ay ku dhinteen 59 qof.
Dad badan ayaa markii dambe ku soo baxay xaafadaha Muslimiinta ee gobolka, iyagoo dilay oo kufsaday daraasiin haween ah, si ay calaamidiyaan mid ka mid ah xasuuqii ugu xumaa ee diimaha ee soo mara taariikhda Hindiya.
Modi waxa uu ahaa wasiirkii ugu sareeyay Gujarat intii lagu guda jiray rabshadaha ay ku dhinteen in ka badan 2,000 oo qof, oo u badan Muslimiin, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda. Wuxuu maamulayay gobolka galbeedka laga soo bilaabo 2001 ilaa loo doortay ra’iisul wasaare 2014-kii, wuxuuna muddo kooban la kulmay xayiraad dhanka socdaalka ah oo uu Mareykanka ku soo rogay rabshadihii.