Xukuumadda R/wasaare Xamza oo Bangiga Adduunka U Bandhigtay Qorshaha Dib U Habeynta Hay’addaha DFS

17 November 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo maanta furay shirka hannaanka wadashaqeynta ee u dhexeeya dowladda fedraalka Soomaaliya iyo bangiga adduunka, ayaa caddeeyay in dalku  uu ka soo gudbay dhibaatooyin badan haddana hiigsanayo horumar.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa kulanka ku soo bandhigtay siyaasadda  ku aadaan  dib u habeynta hay’addaha dowladda si loo gaaro hiigsiga cusub ee nabadda, degenaanshaha iyo dimuq壯陽藥 raadiyadda ku asteysan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay xoogga saartay dib-u-heshiisiinta, xasilinta iyo xaqiijinta dib-u-habeynta, ayna horumarisay hab-raacyo sharci oo casri ah, qaab-dhismeed dowladeed, hannaan maamul maaliyadeed, dib-u-qaabeyn hay’ado muhiim ah, sidoo kalana la meel mariyay isbeddel siyaasadeed oo loo dhan yahay, laguna heshiiyay qorshe lagu mideynayo taageerada caalamiga, iyadoo lagu saleynayo arrimaha mudnaanta u leh dalka.

Leave a Reply