Xukuumadda Soomaaliya oo maanta gargaar bani’aadanimo kala wareegtay dowladda Imaaraadka Carabta

7″ April ” 2022

Dowladda iskutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaarsiisay deeq loogu talo galay dadka ay saameeysay Abaarta ka jirta meelo kamid ah Soomaaliya taas oo ah 26-Kunteenar oo ay ku jiraan noocyada kala duwan ee raashinka.

Dowladda Soomaaliya ayey ku wareejiyeen deeqdaan masuuliyiintii ka socotay dowladda isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana deeqdaan la wareegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Axmed Abuukar Axmed.

Sidoo kale mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa goobta ku sugnaa, waxaana ay sheegeen inay sii wadi doonaan gargaarka bani’aadanimo oo ay la soo gaaraan Shacabka Soomaaliyeed ee la dhibaatoonaya abaarta daran.

壯陽藥

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Axmed Abuukar Axmed ayaa  uga mahad celiyay dowladda Imaaraadka Carabta deeqdaan gargaarka ah oo ay soo gaarsiiyeen, isaga oo sheegay in dadka u baahan ay gaarsiin doonaan.