Xulka Galmudug oo ku guuleeystay koobka Maamul,goboleedyada Somalia Iyo QoorQoor u hambalyeey

29- January -2024

Xulka Galmudug Ayaa Ku guuleeystay koobka Maamul,goboleedyada dalka markii go,al ku laad ay kaga badiyeen finalkii tartanka dhiggooda hirshabeelle

Tartanka Kubadda cagta Dowlad Gobolleedyada iyo Gobalka Banaadir oo maanta la cayaaray kulanka kama dambeysta ah ayaa waxaa isaga hor yimid Xulalka Hirshabeelle iyo Galmudug.

Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho oo ka dhaceysay cayaarta ayaa waxaa u soo daawasho tegay taageerayaal aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobalka Banaadir iyo deegaannada ku xeeran.

Labada Xul ayaa cayaarta soo bandhigay kubad ku dhisan weerar iyo weerar celis, waxaana cayaarta waqtigii loogu talagalay ay ku soo idlaatay barbaro dhac 0-0.

Xulka Galmudug ayaa ugu dambeyn koobka ku qaaday rigooreyaal, sidaas ayayna ku noqdeen xulka sanadkan ku guuleystay tartankii socday.

Madaxweynaha Galmudug oo hambalyo u diray Xulka Galmudug oo qaaday koobka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed cabdi kaariye Qoorqoor ayaa hambalyo u diray xulka maamulkiisa kadib markii ay ku guulaysteen koobkii ugu horeeyay abid ee ay Galmudug qaado marka loo ee taariiqdooda kubadda cagta Soomaaliya

Galmudug ayaa rigoore neerfaha dajiyay ku garaacday #Hirshabeelle finalkii tartanka Maamulgoboeedyada dalkasi ay u hantiyaan koobka

Madaxweynaha Galmudug ayaa yiri ”

Hambalyo Habmalyo dhallinyaro.

Waxaan idin daawaday dhammaan daqiiqadihii ciyaarta, waxaad u ciyaarteen si cajiib ah, waxaad muujiseen akhlaaq wanaag iyo xirfad sarreysa.

Koobkiina waad keenteen. Waa inoo dabbaal degga idinka Ilaahey.”