12″ December “2022
Xulka qaranka Waqooyiga Afrika ee Morocco ma ku guulaysan karaa koobka adduunka ? Dheeho.com
Xulka qaranka Morocco oo taariikhda sameeyay ayaa laba guul u jirta in ay kor u qaadaan koobka aduunka iyadoo uu jiro sugitaanka France oo koobka difaacanaysa
Morocco ayaan weli lagu garaacin tartanka sanadkan, lagu qabtay Bariga dhexe ee koobka adduunka waxaana laga dhaliyay hal gool – iyo gool ay iska dhaliyeen ciyaartii Canada wareega group-yada.
Morocco ayaa durba guulo ka heshay xulal magacyo waa weyn ku leh ciyaaraha adduunka sida Belgium, Spain iyo Portugal xilli ay barbaro la galeen Croatia-Laakin waxa u dhexeeya kooxda iyo shuut ay koobka ku qaado waa xulka kubbada cagta ee awooda sare leh ee difaacanaya koobka ee France, kuwaas oo Atlas Lions ay arbacada ku kulmi doonaan semi-finalka.
Haddii ay ku guuleystaan inay ka adkaadaan France, kooxda tababare Walid Regragui ayaa markaas la ciyaari doona midkood Croatian-ka ku soo baxay kaalinta labaad 2018kii, ama Argentina, oo 1986 ku guuleystay Koobka Adduunka,
Shaqo badan ayaa sugaya wakiika Africa iyo wadamada carabta ku matalaya tartanka Qatar si ay u helaan abaalmarinta ugu weyn kubada cagta adduunka Axada soo socota dacaya
In yar ayaa aaminsaneyd in ay suurtogal tahay Morocco in ay soo gaari karto isku dhafka heerkan ee Koobka Adduunka markii uu tartanku ka bilaabmay Qatar 20-kii November.
Laakiin hadda rajo ayaa ka soo baxaysa kooxda Regragui iyo taageereyaasheeda badan, ee Qatar, Morocco iyo guud ahaan Africa
By Abdulkadir Farah Dulyar