8″ March “2022” Dheeho
Soomaaliya iyo dalalka kale ee dunida ayaa maanta u dabbaaldegay xuska munaasabadda 8-dda Maarso oo ah maalin weyn oo xambaarsan dadaalkii loo soo galay dhismaha ururkaasi iyo kaalintii ay ka qaateen ka qeybgalka arrimaha bulshada ,dhaqaalaha ,siyaasadda iyo guud ahaan horumarada xoogan ee ka jira dunida.
Waxaa usweydiin mudan,kaalin nuucee ah ayeey haweenku ka qaateen dhaqdhaqaaqyadii iyo halgankii kale ee loo galay maalinta 8-dda Maarso?.
Aasaaskii 8-dda Maarso
Dadaalkii ugu horeeyay ee loo galay raadinta sinnaanta shaqada , xuquuqda taranka , ilaalinta badqabka dumarka iyo guud ahaan helidda maalin u gaar ah haweenka,waxa ay soo ifbaxeen dhaamaadkii qarnigiii 18-aad iyo horaantii qarnigii 19-aad,xilligaasi oo ay bilowdeen kacdoonadii shaqaalaha ee ka curtay Mareykanka iyo Yurub .
Dhowr arrimood ayaa sabab u ahaa aasaaskii maalinta haweenka,waxaana ka mid ah. 1-halganka xoogagga shaqeeya ee haweenka ay kaga qeybgaleen kacdoonadii shaqaalaha ee looga horjeeday milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.2-dhismaha ururadii shaqaalaha iyo raadinta maalin iyo xuquuq u gaar ah haweenka.
Hirgainta arrimahaasi, waxa ay mideeyeen dumarkii ku noolaa wadamada Yurub , Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti waxaana sanadihii u dhaxeeyay 1907-1917-kii dhacay bannaanbaxyo si gaar ah loogu raadinaayey xuquuq iyo maalin ay leeyihiin haweenka.
Si loo xaqiijiyo hadafka, muhiimadda iyo xaqa ay haweenku u leeyihiin in la siiyo maalin u gaar ah,aawadeed,waxaa sanadkii 1975-tii, golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ay ku dhawaaqeen in 8-da Maarso loo asteeyay xuska maalinta haweenka aduunka.
Haddaba,dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada maanta u dabbaaldegay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee 8-dda Maarso oo ah xus taariikhi ah oo lagu muujiyo waxqabadkii haweenka iyo doorkii shariiifka ahaa ee ay ka soo qaateen aqoonsiga maalintaasi.
Waxaa xaqiiqo ah in qeybaha haweenka ee dalka Soomaaliyeed ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen ama ka ciyaareen dhaqdhaqaaqyadii xoriyad doonka ee ay hoggaaminaayeen ururkii SYL,kuwaas oo naf iyo maalba ku bixiyay halgankii xaq u dirirka ee lagu helay gobanimada maanta.
Sidoo kale,haweenku, waxay door muhiim ah ku lahaayeen wax soo saarka beeraha,warshadaha, dhismahii ururadii bulshada ee dalka,gaar ahaan ururkii shaqaalaha ee gudaha dalka ka curtay dagaalkii labaad ka dib iyo guud ahaan ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed ee dalka ka hanaqaaday xilliyadii la soo dhaafay.
Xilligii Xoriyadda
Waloow, dumarka wax bartay ay aad u yaraayeen,haddana, dowladdi rayidka ee talada dalka la wareegtay 1960-kii,waxa ay ku guuleysatay in loo siman yahay raadinta xirfadaha shaqo, waxbarashada iyo xuquuqaha kale ee bulshada,waxaana waqtigaasi iyo sanadihii ka dambrryay so baxay dumar leh aqoon iyo xirfado kala duwan oo wax ku kordhiyay horumarka dalka.
Xilligii Kacaanka
Kacaankii uu hoggaaminaayey mileteriga dalka oo mabd’a ahaan ku dhisnaa nidaamka hantiwadaagga ,waxa uu haweenka u aqoobsaday udub-dhexaadka bulshada iyo in ay yihiin muraayad laga daawado horumarka dhaqan dhaqaale ee ay ku tallaabsadeen dunidaan casriga ah.
Burburkii kadib
Haweenka Soomaaliyeed,waxaa lagu tiriyaa in ay yihiin kuwa ugu badan xoogagga shaqeeya,waxayna 30-kii sano ee u dambeeyay ay u howlgaleen badbaadinta iyo go’aan ka gaarista qorshaha qoyska ,kan guriga , ilaalinta caafimaadka carruurta, hannaanka dakhli-abuur iyo horumarinta hab-nololeedka guud.
Inkasta oo ay jiraan caqabado iyo dhibaatooyin u gaar ah haweenka,haddaana,daraasad ama cilmi baars caalami ah oo la sameeyay ayaa muujineysa in fursadaha shaqo ee ay helaan dumarku ay weli yihiin kuwo ka hooseeya fursadaha shaqo ee ay helaan ragga,
Tirada ugu badan Xoogagga shaqeeya dunida, boqolkiiba 45.4 waa haween, waana kuwo ka dambeeya isbadal kasta oo loo qaado dhanka horumarka,sidaa daraadeed,waxaa lagama maarmaan ah in xil la iska saaro kor u qaadidda xirfadaha aqooneed ee haweenka.
Gabagabadii ,waxaan dhambaal hambalyo ah u direynaa ururada haweenka caalamka oo maanta u dabaaldegay xuska munaasabadda maalinta caalamiga ah ee 8-dda Maarso Waxaanna u rajeyneynaa horumar iyo barwaaqo
W/qoray Shiroos/ Radio Muqdisho