Xuska qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweeynaa ee Hormuud Telecom 2022-da

26″ December “2022

Xuska qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweeynaa ee Hormuud Telecom iyo horumarinta ganacsiga Somalia ee sanadka gabagabada ah ee 2022-da  Dheeho.com

Dhacdooyinka horumarinta ganacsiga somalia ee sanadka sii dhamaanaya waxaa ka mid ah Shirkadda Hormuud Telecom oo la guddoonsiiyay shahaado caalami ah oo ay bixisay hay’adda caalamiga ah ee isgaarsiinta mobilada ee GSMA oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 800 oo shirkadood oo ka diiwaan gashan 219 wadan.

Bandhigga GSMA World Mobile Conference (MWC22) oo lagu qabtay magaalada Kigaali ee dalka Ruwanda oo uu ka hadlay Munaasabadda furitaanka-Madaxweyne Paul Kagame ayaa shahaadada GSMA, Mobile Money Certificate ayay hormuud noqotay mid loo tixgaliyay kaalinteed horumarinta ganacsiga Tignoolajiyada qaraada Iyadoo shirkadu intii lagu jiro sanadkan sii dhamaanaya ee 2022 ay u dabaaldagetay sanad-guuradeedii 20-aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay.

Shirweynihii Is-beddelka Nolosha Africa oo lagu qabtay magaalada Cape town ayay Hormuud Telecom muteeysatay in ay hesho Abaalmarinta Nolosha Isbeddelka leh ee qaarada, ka dib markii ay gacan weyn ka geysteen sidii loo dhisi lahaa adduun Digital ah oo la heli karo oo loo wada dhan yahay

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo door Sharif ah ka qaadatau howlaha gurmadka abaaraha dadka soomaaliyeed la soo darsay ayaa-lacag iyo internet free ah ku abaalmarisay dhallinyaradii Qaranka ee guushii taariikhiga ahayd ka soo hoysay tartanka da’yarta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika,

壯陽藥 =”wp-block-embed__wrapper”>

Hayadda hormuud salaam foundation ayaa bartamihii sanadkan gabaganada ah ee 2022-da waxaa ay shaqo abuur u sameeysay 1000 dhalinyaro Soomaaliyeed ah markii ay hayaddu siisay tababar lagu baranayo Wadida, iyo cilad bixinta mootooyin ay hayaddu u qaybisay ooy ugu shaqeeyaan hada Shirkada RIKAAB, ee adeega macaamiisha

Leave a Reply