February ” 16″ 2021″ MUQDISHO-
Midowga Musharaxiinta ayaa uga digey dowlada federalka inay carqaladeyso banaanbaxa nabadeed ee ay ku baaqeen in uu ka dhaco Jimcaha soo socota magaalada Muqdisho.
Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo u hadlay Musharaxiinta ayaa sheegay in banaanbaxa Jimcada uu yahay mid nabdoon oo laga ilaalin doono rabshado balse ay helayaan warar sheegaya in dowladda ay doonayso in ay carqaladeyso.
“Waxaan ugu baaqayaa hay’ddaha Ammaanka in aysan carqaladeyn banaanbaxa, waxaana laga doonaayo in ay suggaan Amniga dadweynaha soo banaanbixi doona.”ayuu yiri Musharax Geelle.
Musharax Geelle ayaa si gaar ah waxa uu ugu baaqay taliyaasha ciidamada Booliska,Nabadsugida iyo Milatariga inay ka qeybqaataan sidii lagu xaqiijin lahaa ammaanka.
Midowga Musharaxiinta ayaa ku baaqay in maalinta Jimcaha ee soo socota uu ka dhici doono magaalada Muqdisho banaanbax nabadeed oo loogaga soo horjeedo Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Farmaajo