Yaa ka mid ah dadka ka Hadlay sidaan ku soo gaarny halkan ?

2-Dember-2023

Muxuu Sheekh Aadan Madoobe ka yiri qaadista cunaqabateynta hubka?

– Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo ku aaddan guusha taariikhiga ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga qaaday Soomaaliya cunaqabteynta hubka u diray dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Madoobe oo xusay dadaalka Dowladda ay ku bixisay in la qa壯陽藥 ado cunaqabateynta hubka, iyo faa’iidada ay leedahay ayuu ku sheegay in qeyb weyn ka qaadan doono xorreynta degaannada Al-Shabaab ay ku suganyihiin iyo inaan si casri ah u qalabeyno ciidankeena.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa u mahadceliyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo u codeeyay in Soomaaliya cunaqabataynta hubka la qaaday wixii haatan ka dambeeya.

Soomaaliya waxa ay haatan la daalaa dhacaysaa caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxaha xagjirka ah, sida Al-Shabaab ee ku xiran shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al Qaacida.

Taliyaha NISA oo dhoweeyay go’aankii kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM

Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa soo dhoweeyay go’aankii kasoo baxay Golaha Ammaanka QM ee cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya.

Mahad Salaad ayaa qoraalkiisa ku sheegtay in tallaabadan ay tahay mkid horay loo qaaday, isla markaana muhiim u ah dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in go’aankan uu kusoo aaday, xilli xasaasi ah isla markaana dowladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto Al-Shabaab.

Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee xakameynta hubka oo soo dhaweysay  qaadista cunaqabateynta hubka

Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada ah Marwo Mako Maxamuud Muuse ayaa soo dhaweysay in Soomaaliya laga qaado cunaqateynta hubka ee muddada dheer saarneyd.

Waxa ay Lataliye Makko sheegtay in Dowladda ay dadaal badan ku bixisay si guushan loo gaaro islamarkana ay faa’ido badan u leedahay Soomaaliya iyada oo tilmaamtay in hadda wixii ka dambeeya ay kordhi doonto awoodda ciidamada qalabka sida.

Ka qaadista cunaqabateynta hubka waxey qeyb weyn ka  qaadan doontaa xorreynta deegaannada Khawaariijta ay ku suganyihiin iyo in guud ahaan dalka oo dhan laga sifeeyo Argagixisada iyo inaan si heer sare ah u qalabeyno ciidankeena xoogga dalka oo xudeedaheena aan ilaashano” ayey ku tiri qoraal ay soo saartay

Leave a Reply