Shabakada Jowhar oo warbixin ka Qortay su,aal ka Taagan Xil Wareejinta Barito Qayre Mise Mahdi “

Waxaa maalinta Axada ee soo socota la filayaa inuu xilka si rasmi ah ula wareego Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo maalin ka hor ay ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dood ku aadan sharcinimada xil wareejinta Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo baxday iyo cida ay tahay inuu xilka kala wareegay, waxaa aad u xooggan warka sheegaya in cida xilka wareejin doonto uu yahay Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Guuleed.

Mahdi Guuleed ayaa dhowaan magacaabay Guddi Wasiiro ah oo diyaariya munaasabada xil wareejinta Ra’iisul Wasaaraha cusub, waxaana durba soo baxayay in cida xilka wareejineyso inuu yahay Mahdi Guuleed.

Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu warqad rasmi ah u qoray Ra’iisul Wasaare Rooble, kuna ogeysiiyay Madaxweynaha, Guddoonka Labada Aqal iyo Maxkamadda sare oo ah inuu isaga xilka ku wareejiyo sifo sharci ah, ayna tahay xogo iyo dukumentiyo qaranka ku saabsan inuu ku wareejiyo Raiisal Wasaaraha sida sharciga ah Golaha Shacabka u ansaxiyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii la riday Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa uu soo saaray wareegto Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed ugu magacaabay Sii Haye Ra’iisul Wasaare, taasoo siyaasiyiinta mucaaradka ku tilmaameen in aanay sharci aheyn.

Mahdi Guuleed ayaa 50 cisho xilka Ra’iisul wasaaraha hayay, waxaana mudadaas uu shirayay dhowr jeer Golaha Wasiirada, iyadoo la ansixiyay sharciyo iyo guddiyo mugdi ku jiray, sharci ahaanshahooda aad loo duray, maadaama loo arkayay in la dedejinayay iyo dano siyaasadeed oo ku hoos-jirtay.

Si kastaba ha ahaatee Dastuurka KMG ayaa qaba in Ra’iisul Wasaaraha marka uu is casilo ama xilka laga qaado inuu xilka ku wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha la soo magacaabo, tiiyo ay aheyd arrin soo jireen ah tan iyo markii Dastuurkan la ansixiyay 2012,  dowladdii tan ka horeysayna markii xilka laga qaaday labadii Ra’iisul wasaare inay xilalka ku wareejiyeen Ra’iisul Wasaarayaashii iyaga ka dambeeyay

Leave a Reply