Galmudug: oo Shaaciyay In berri la dooranayo labo kursi oo kale Iyadoo maanta Mahad cabdale cawad & Yuusuf geelle loo doortay golaha shacabka


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

24″ November “2021” Dhuusamareeb

Guddiga Doorashada Galmudug Oo Shaaciyay In Berri La Dooranayo Labo Kursi Oo Ka Tirsan Golaha Shacabka

Guddiga doorashada Galmudug ayaa shaaciyay doorashada labo kursi oo berri ka dhaceyso Magaalada Dhuusamareeb, labada kursi ayaa kala ah Hop043 iyo Hop067

Mahad cabdale cawad & Yuusuf geelle oo loo doortay Golaha Shacabka

Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay Hop104, oo saaka doorashadiisa lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowladad Goboleedka Galmudug

Cawad ayaa helay 84 cod,oo ka mid ah 101 da Ergo ee codaysay, waxaana uu kusoo baxay doorashada, oo wali loo madalsan yahay in la guda galo doorashada kursiga labaad.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa shalay shaaciyay in manta la qabanayo doorashada,kuwaasi oo hardhac u ah doorashooyinka Golaha shacabka ee Xildhibaada Galmudug kasoo galaya Baarlamaanka Soomaaliya

Dhinaca kale Yuusuf Geelle Ugaas ayaa ku guulesytey doorashada Aqalka Hoose ee ka dhacday Dhuusamareeb, 82 cod ayuu helay, halka Musharaxii la tartamayay C/qaadir Diiriye uu helay Afar cod helay, waxaa halaabay 15 cod

Waa doorashadii labaad ee maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb oo codod tobaneeyo ah ay halaabaan, taasoo ka dhigan in Musharaxa laga guuleystay codka uu helay iyo kan hallaabay inuu ka badnaa codka hallaabay

Ugaas Dhagey ayaa ah ninka kaliya ee labo doorasho galay Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose, isagoo iska casilay Kursiga Senetar uu ku fadhiyay sababo la xiriira qoondo beeleed, maadaama jufadiisa labo kursi heysatay, kursi ka mid ahna ugu tanaasulay Jufada Celi ee Duduble.

Leave a Reply