Aabe dhagar qabe ah ayaa duleedka magaalada Muqdisho qarax uu maleegayay ku laayay qoyskiisa

Posted by

27-‘April-2024″ Aabe ayaa reerkiisa ku halaagay qarax uu sameynayey duleedka magaalada muqdisho

Dad ku sugan Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in qoys oo ka koobnaa Aabe, Hooyo iyo labo carruur ah uu galaaftay qarax uu sameynayey odaga reerka.

Xogtaan waxay sheegeysaa in qaraxa uu sameynayey Aabaha reerka, balse uu ku qarxay isaga iyo reerkiisa oo kaliya, kadib markii ay ka halowday farsamadii.

Dadka deriska la ah reerkaas ayaa ku soo baxay markii ay maqleen qaraxa ka dhacay guriga dhexdiisa, waxaana loogu yimid hooyadii oo dhaawac ah iyo meydka odagii qaraxa sameynayey iyo labo carruur ah.

Arrintaan ayaa argaagax ku abuurtay dadkii deriska ahaa ee Ceelasha Biyaha la deganaa reerka ay heshay musiibadaan la sheegay inuu gacantiisa ku geystay odagii reerka.

Ciidanka booliska Soomaaliya oo goobta tegay ayaa la sheegay inay bilaabeen baaritaano culus oo arrintaan la xiriira, waxaana lagu wadaa in goordhow ay soo saaraan faahfaahin ku saabsan dhacdadaan yaabka leh.