BBC- Xafiiska Aqalka Cad u qaabilsan arrimaha Amniga Qaranka ayaa ammaanay galaangalka diblumaasiyadeed ee Tiawan ay ka bilowday Bariga Afrika gaar ahaan “Somaliland.” “Waa guul laga gaaray xiriir diblumaasiyadeed ee naadirka ah ka dib markii ay Taiwan xiriir la yeelatay gobolka madaxa bannaan ee Somaliland”, ayaa lagu qoray wakaaladda wararka ee Mareykanka ee Associated Press. Xiriirka xun ee kala dhexeeya Shiinaha ayaa sababay in dowladnimo ay waydo Taiwan oo ah maamul dimuquraadi ah oo xiriir la leh illaa 15 dal oo keli ah, kamana tirsano Qaramada Midoobeey. Sidoo kale inta badan hay’adaha caalamiga ah waxay xiriir toos ah la leeyihiin Xukuumadda Beijing oo keli ah. “Waa muhiim in la arko Taiwan oo sare u qaadeysa shaqadeeda xiriir ee Bariga Afrika, xilliga oo ay baahi badan jirto,” ayaa lagu qoray Twitter-ka Laanta Amniga Qaran ee Mareykanka. “Taiwan waa saaxiib ku fiican caafimaadka, waxbarashada, iyo kaalmada farsamo, iyo waxyaabo kale oo badan!” ayaa ka mid ahaa wixii lagu qoray barta NSC. Farriintaas waxay daba socotay heshiiska dhowaan ay wada saxiixdeen Taiwan oo Shiinaha uu u aqoonsan yahay gobol dalkiisa ka tirsan iyo Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Dhammaadka Twitter boggan, 1
Sidoo kale, Farriinta dowladda Mareykanka waxay imaaneysaa ka dib markii Shiinaha uu sheegay inuu diidan yahay xiriirka diblumaasiyadeed ee Taiwan iyo Somaliland.
Shiinaha wuxuu doonayaa in Taiwan ay militari ahaan hoos timaado maamulkiisa. Balse afti laga qaaday shacabka Taiwan waxay si aqlabiyad ah u diideen in siyaasad ahaan ay ula midoobaan Shiinaha.
Sidoo kale, dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa iyana ka soo hor jeesatay xiriirkaas labada dhinac dhexmaray
Wu iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Yasiin Maxamuud, ayaa wada saxiixay heshiiska laba geesoodka ah oo ka dhacay magaalada Taipei, bishii February ee sannadkan, sida ay warbaahinta Mareykanka qorayaan.
Taiwan waxay sannadkastaa bixisaa waxbarasho lacag la’aan ah oo ay siiso 3.9 milyan oo qof oo daafaha caalamka ka kala yimaada.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha, Zhao Lijian, ayaa sheegay in “dowladdiisa ay sii wadeyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya”.
Wuxuu Taiwan ku eedeeyay “dhibaateynta madaxbannaanida Soomaaliya iyo sharafta dhuleed”.