Dib u dhac mar kale ku yimid shirkii madaxda maamul goboleedyada ee magaalada dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB – Wararka naga soo gaaraya magaalada dhuusamareeb ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu markale dib u dhac ku yimid shirkii madaxda maamul goboleedyada uga furmi lahaa halkaas.

Shirka oo lagu madalsanaa inuu furmo malintii shalay ahayd ayaa dib u dhacay iyadoo sidoo kale maanta oo Jimco ahna uu markale dib u dhacay.

HORMUUD TELCOM ISGAARSIIN LA HUBO

Lama oga sababta ka dambeysa dib u dhacyadan hase yeeshee waxaa lagu madalsan yahay in maalinta berri ah uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb.

Hadda ayaa waxaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb dhammaan madaxda maamul goboleedyada kuwaas oo siyaabo kala duwan u kala gaadhay magaalada Dhuusamareeb si ay uga qayb galaan shirkaasi.

Leave a Reply