Author: boodhari

Saraakiil kala duwan oo ka socotay Dowladda Turkiga oo soo gaaray Muqdisho
WARARKA

Saraakiil kala duwan oo ka socotay Dowladda Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

6-March-2024 Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray Saraakiil Kala duwan oo ka socday Dowladda wadanka Turkiga waxaana lagu soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Ssareeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin, ayaa kulan kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wafdiga ka socday Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga. Saraakiisha ka socday Dalka Turkiga ayaa isugu jiray Talisyada Ciidamada Badda, Dhulka iyo Masuuliyiin ka Socotay Wasaarada Difaaca Dalka Turkiga. Ujeeddada safarkooda ee Soomaaliya, ayaa qeyb ka ah dhismaha iyo Qalabeynta Ciidamada Milateriga Soomaali...
Xuutiyiinta Yemen oo jaray xargaha internerka ee badda gunteeda mara iyo saamaynta ay ku yeelanayso Soomaaliya iyo dalal kale
WORLD

Xuutiyiinta Yemen oo jaray xargaha internerka ee badda gunteeda mara iyo saamaynta ay ku yeelanayso Soomaaliya iyo dalal kale

5-March-2024- BBC Xuutiyiinta Yemen ayaa la rumaysan yahay inay jareen saddex xarig ah kuwa xambaara internetka iyo isgaarsiinta caalamiga kuwaas oo hoos mara badda cas ka dib weeraro ay ku qaadeen maraakiib maraysan marin biyoodkaas Marin biyoodka badda cas ayaa wajahaya mid ka mida xiisadihii ammaan darro ee ugu weynaa tan markii ay falaagada Xuutiyiintu bilaabeen inay bartilmaameedsadaan maraakiibta ganacsi ee maraysa badda cas. Ilaa hadda ma cada si rasmi cida goysay xariga balse waxa xoogan in Xuutiyiinta loo badinayo inay jareen xargahaas. Iyadoo maraakiibta caalamiga ah ay mar hore hakad gelisay badda cas, oo ah marin muhiim ah oo shixnadaha xamuulka iyo tamarta ee Aasiya iyo Bariga Dhexe ilaa Yurub, kharribaadda khadadka isgaarsiinta ayaa sii kordhin karta dhibaatad...
Daawo :Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka Daahfuray..
WARARKA

Daawo :Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka Daahfuray..

5-March-2024 Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka hadlayey shirka Machadka Daraasaadka Siyaasadda Heritage oo ka socda Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda musuq-maasuqa ee Soomaaliya oo uu sheegay in Soomaaliya ay meelaha ugu liita ay kaga jirto adduunka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku baaqay dulqaad marka ay noqoto hawsha wax ka beddelka dastuurka dalka, oo hadda baarlamanka u uku wado dib u eegis. https://youtu.be/tvtRQvScnr0?si=rfRn_-VJPVt9tKdL
Champions League: Bayern Munich Iyo PSG Oo Iska Xaadiriyay Booska 8_da
SPORTS

Champions League: Bayern Munich Iyo PSG Oo Iska Xaadiriyay Booska 8_da

5-March-2024 Bayern Munich 3-0 Lazio Harry Kane ayaa laba gool dhaliyay si uu Bayern Munich uga caawiyo in ay iska dhaafto guuldaradii lugtii hore ee Lazio waxayna u soo baxday siddeed dhamaadka Champions League. Markii ay 1-0 ku soo idlaatay lugtii hore ee Rome, Bayern ayaa u muuqatay habeen niyad jab ah ilaa uu Kane madax ku dhaliyay barbaro wadar ahaan. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1765137246770864230?t=1Uneqka1i54vW10YwQ9VHg&s=19 Thomas Muller oo waqti dheer ku soo shaqeeyay ayaa xalay dhaliyay gool kale oo madax ah. Kane ayaa cel-celis ahaan ciyaarta ka dhigay 3-1 kadib markii uu Leroy Sane kubad uu soo tuuray uu si fiican u dhex galay. Waxa ay ahayd isbedel cajiib ah oo ay sameeyeen Bayern, kuwaas oo soo maray olole niyad jab leh oo gudaha a...
Agaasimayaasha Hayaddaha Sirdoonka Somalia Iyo UK Oo Kulan Yeeshay
WARARKA

Agaasimayaasha Hayaddaha Sirdoonka Somalia Iyo UK Oo Kulan Yeeshay

5- March-2024 Mahad Salaad Oo La Kulmay Agaasimaha Sirdoonka UK Ee MI6 Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad oo booqasho ku jooga dalka UK, ayaa la kulmay Agaasimaha Sirdoonka UK ee MI6 Richard Moore. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada hey’adood, is-dhaafsiga xogaha, la dagaalanka Argagixisada iyo sidii ay u wadaagi lahaayeen khibradaha shaqo ee dhanka Sirdoonka. Agaasimaha NISA ayaa horay safaro shaqo ugu tagay dalal dhowr ah, si uu u xoojiyo xiriirka dibadda ee hey’adda la leedahay dalalka Caalamka, waxaana dalalkii uu tagay ka mid ahaa dalka Mareykanka, halkaasoo uu kula kulmay Agaasimaha CIA William J. Burns oo isna markiisa booqasho ku yimid Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkan 2024.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo diiday dalab ka yimid William Ruto
WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo diiday dalab ka yimid William Ruto

5-March-2024 Madaxweynaha Kenya William Ruto oo todobaadkaan dalkiisa uu marti-geliyay shirka Golaha Deegaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wada dadaallo la isugu soo dhoweynayo Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxdii ka qeyb gashay shirka ka dhacay Nairobi ayaa waxa ka mid ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo xiisad colaadeed ka dhaxeyso, taasi oo ka dhalatay heshiis beenaadka Somaliland ugu saxiixday Abiy marin badeed iyo saldhig ciidan. Qoraal laga soo saaray madaxtooyada Kenya, kadib kulan dhex-maray William Ruto iyo Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in madaxda Kenya iyo Itoobiya ay caddeeyeen sida ay ugu go’an tahay aqoonsiga, ixtiraamka iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed. Sidoo kale waxay diidaan isbeddel...
Madasha aragti wadaagga sanadlaha ah ee Heritage oo Muqdisho ka furmay
WARARKA

Madasha aragti wadaagga sanadlaha ah ee Heritage oo Muqdisho ka furmay

5-March-2024 Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka hadlayey shirka Machadka Daraasaadka Siyaasadda Heritage oo ka socda Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda musuq-maasuqa ee Soomaaliya oo uu sheegay in Soomaaliya ay meelaha ugu liita ay kaga jirto adduunka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku baaqay dulqaad marka ay noqoto hawsha wax ka beddelka dastuurka dalka, oo hadda baarlamanka u uku wado dib u eegis Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka furmay shirka sanadlaha ah ee Madasha Aragti wadaagga ee Heritage, kaas oo socon doono mudda laba maalin ah ,waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin katirsan dowladda iyo madax ka socoto dowlada Jabuuti, Kenya iyo marti sharaf kale. Agaasimaha Machadka Heritage Mudane Musrsal Saney oo ka hadlay furitaanka madasha ayaa madaxda ku soo...
Erdogan iyo Ruto Oo Dhexdhexaadin ka Dhex Bilaabay Soomaaliya iyo Itoobiya
WORLD

Erdogan iyo Ruto Oo Dhexdhexaadin ka Dhex Bilaabay Soomaaliya iyo Itoobiya

March 4, 2024 Waxaa labo bil jirsaday xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee sal-ku-heysa is-afgaradka la xiriira in Addis Ababa ay marin baddeed oo toos ah iyo saldhig ciidanka badda ah ka hesho Somaliland, iyada oo ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland uu sheegay inay Itoobiya noqoneyso dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi caalami ah siiya. Is-afgaradka oo la shaaciyay maalinkii ugu horreeyay ee sanadkan ayay Hargeysa ku hanweyn tahay in la dhaqangeliyo kadibna marka ay soo dhammaadaan wada-xaajoodyada u socda labada dhinac. Laakiin Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay is-afgaradku in uu yahay ‘duulaan qaawan’ oo lagu soo qaaday xornimada iyo wadajirkeedka dhuleyd ayaa diiday inay wada hadal-kala-gasho arrinka Itoobiya, sida uu Raysal w...
R/wasaarihii hore ee Somalia Maxamed Xuseen Rooble: Hogaamiye aan loogu yeeri karin dibindaabyeenta dalkiisa
WARARKA

R/wasaarihii hore ee Somalia Maxamed Xuseen Rooble: Hogaamiye aan loogu yeeri karin dibindaabyeenta dalkiisa

4-'March-2024 R/wasaarihii hore ee Somalia Maxamed Xuseen Rooble: Hogaamiye aan loogu yeeri karin dibindaabyeenta dalkiisa🇸🇴 Hayaanka dowladnimada somalia ee yimid kadib shirkii carta waxa uu muuqdaa mid haya dhaba laysku haleeyn karo Iyadoo Somalia ay wado dheer ooy la dhibtooneeysay u soo martay sidii ay u arki lahayd ku sii socosho hakad la,aan ah oo ku aadan waayaheeda dowladnimo. Daddaal nafhurnimo leh oo uu sameeyay R/wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa udub dhaxaad u noqday waxyaabaha somalia ka Samata bixiyay dhibaatooyinkii ku hareereysnaa Doorasho farmaajo kala kulantay dib u dhacyo badan . Shaki kuma jiro In qofkasta oo dib u jaleeca raadkii ay soo martay doorashadii dalka looga badbaadiyay dagaalo sokeeye In uu Raysilwasaare Rooble uu ugu mahad,celin doon...