Dagaalkii maalmahan ka socday gudaha degmada Diinsoor oo Istaagey
2- APRIL - 2024
Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya inuu istaagay dagaalkii maalmahan ka socday gudaha degmada Diinsoor ee gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyay labada maleeshiyo beleed oo wada daga halkaasi.
Xaaladda ayaa maanta deggan, inkasto ay weli is horfadhiyaan maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.
壯陽藥
Wararka ayaa sheegaya in Koonfur Galbeed ay ku baxday xiisaddaasi, waxayna ciidamo kala dhex dhigtay labada dhinac, si looga hortago dagaal mar kale ka dhaca Diinsoor.
Sidoo kale waxaa haatan soconayo dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda degmada, kuwaas oo guullo hordhac ah laga gaaray.
Dadka deegaanka ayaa dhankooda soo dhaweeyay ciidamada la geeyay Diindoor iyo dadaallo nabadeed ee lagu dhex dhexaadina...