Xawaaraha Internet-ka ee qaar ka mid ah dalalka Afrika oo hoos u dhaca
15-March-2024
Xawaaraha Internet-ka ee qaar ka mid ah dalalka Afrika oo hoos u dhaca
Qulqulatooyin baahsan oo dhanka internet-ka ah ayaa laga soo warinayaa dhowr dal oo ku yaal qaardda Afrika. Dalalka khadkoodu dhacay wxaa ka mid ah South Africa, Nigeria, Ivory Coast, Liberia, Ghana iyo Burkina Faso.
Illaa hadda si cad looma oga sababta keentay in adeegga ee internet-ka ee dalalkaas uu hawlgabo. Balse sida ay sheegtay shirkadda Cloudflare Radar oo keydisa xogaha la xiriira isgaarsiinta internet-ka, waxaa muuqata cillad ku timid khadka isku xira waqooyiga iyo koonfurta Afrika.
Xawaaraha khadka internet-ka Ivory Coast ayaa hoos ugu dhacay 4% subaxnimadii khamiista, sida laga soo xigtey shirkadda Netblocks ee u kuurgasha amniga adeegga internet-ka. Dalka Libeeriya, xawaara...