,

Isku aadka wareega 8da ee Champions Leaque-ga Manchester City ay wajaheeysa kooxda 14 jeer ku guulaysatay ee Real Madrid

Posted by

15-March-2024

Arsenal ayaa isku aadka wareega 8da ee Champions Leaque-ga Bayern Munich, halka Manchester City ay la ciyaari doonto kooxda 14 jeer ku guulaysatay ee Real Madrid.

Gunners ayaa garoonkeeda Emirates Stadium ku soo dhawayn doonta kooxda Bayern Munich oo uu ku haysto kabtanka England Harry Kane lugta hore.

Dhanka kale, waa xilli ciyaareedkii seddexaad oo xiriir ah, City, oo ku guuleysatay horyaalka sanadkii hore, ayaa wareega 8da ku wajaheysa Real.

Lugta hore waxay dhacaysaa 9-10 Abriil, iyadoo lugta labaadna ay dhacayso 16-17 Abriil.

Hadii ay Arsenal iyo City guulaystaan ​​isku aadka labada kooxood ee Premier Leaque-ga ayaa isku wajihi doona semi-finalka.

Dhanka kale, kooxda shanta jeer ku guuleysatay ee Barcelona ayaa la ciyaari doonta kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee Paris St-Germain, halka Atletico Madrid oo ku jirta kaalinta afaraad ee horyaalka La Liga ay martigelin doonto kooxda Jarmalka ee Borussia Dortmund.

Semi Final-ka ayaa la ciyaari doonaa 30ka April iyo 1-da May, iyadoo lugta labaad la ciyaari doono todobaad kadib 7-8 May.

Garoonka Wembley ayaa marti galin doona finalka sanadkan sabtida oo ay bishu tahay 1 June.

Isku aadka afar dhamaadka
Arsenal vs Bayern Munich

Atletico Madrid v Borussia Dortmund

Paris St-Germain v Barcelona

Real Madrid v Manchester City

Isku aadka Semi finalka
Atletico Madrid ama Borussia Dortmund v Paris St-Germain ama Barcelona