WORLD

Gaadiid Iyo Agab Dowladu Ay Ku Wareejisay Dowlad Goboleed Galmudug
WORLD

Gaadiid Iyo Agab Dowladu Ay Ku Wareejisay Dowlad Goboleed Galmudug

DHUUSAMAREEB Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa Shan Gaari iyo Agab kale oo ay ka mid yihiin Matooro ku wareejisay Wasaarada Beeraha Dhirta iyo Daaqa Dowlad Goboleedka Galmudug Siciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dowlada faderaalka ayaa furayaasha shantan gaari ku wareejiyay Wasiirka Beeraha Dhirta iyo Daaqa Galmudug Axmadnuur Xaaji Cusman oo ay wehliyeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Galmudug iyo Agaasimayaasha Wasaarada waxa uuna Xusay in Agabkan wax looga qaban doono la dagaalanka Ayaxa . Gaadiidkan iyo matoorada saaran ayaa waxa ay ku yimaadeen iskaashi Dhexmaray Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya iyo Hay’ada Beeraha Aduunka ee FAAW waxaa loo adeegsan doonaa dagaalka lagula jiro Ayaxa ku habsadey Dhul daaqsi...
Jubbaland oo Ka   Hadashay Kulankii M/weyne Farmaajo Iyo Axmed Madoobe
WORLD

Jubbaland oo Ka Hadashay Kulankii M/weyne Farmaajo Iyo Axmed Madoobe

DHUUSAMAREEB Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyadda Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka dhexmaray labada dhinac uu ka koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar ah u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee dowladda Federaalka iyo Jubbaland Kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa bilowgiisa hore waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaarada Xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyadoo markii dambe ay isku keli noqdeen Farmaajo iyo Axmed Madoobe. Ma jiro ...
Dad Ku Dhintay  Weerar Lagu Qaaday Guri Mingiska Lagu Tumo
WORLD

Dad Ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Guri Mingiska Lagu Tumo

MUQDISHO- Faah faahino ayaa kasoo baxaya Nin hubeysan oo weerar ku qaaday salaadii casir kadib Guri Mingiska lagu tumo oo ku yaalla Degmada Warta-nabadda ee Gobolkaan Banaadir. Nin ku hubeysan qori AK47 ayaa rasaas xoogan ku furay dadweyne badan oo ku sugnaa Guriga lagu tumaayay Mingiska oo sigaar ah ugu yaalla agagaarka Masjidka Xaaji Yuusuf ee Degmada Warta-nabadda. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in weerarkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee guriga ku sugnaa Ugu yaraan Saddex ruux ayaa ku geeriyooday weerarka rasaasta ahaa ee lagu furay Guriga, halka 9 qof kalena oo u badnaa Haween ay ku dhaawacmeen, isla markaana waxaa si Deg deg ah loogu qaaday Xarun Caafimaad oo ...
Afgooye ooy Soo Wajahday Fatahaada Wabiga Shabeelle
WORLD

Afgooye ooy Soo Wajahday Fatahaada Wabiga Shabeelle

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose waxaa soo wajahday fatahaadihii ugu darnaa abid, sida uu sheegay maamulka degmada, oo la hadlay Radio kulmiye Inta badan dhaq-dhaqaaqii magaalada waxaa ha-kiyey biyaha wabiga Shabeelle oo saacadihii ugu dambeeyey aad ugu fatahay magaalada Afgooye ayuu yiri. Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Afgooye Cabdullahi Xasan Cabdi ayaa isna intaas ku daray in magaaladu ay haatan wajaheyso fatahaado culus, isla markaana uu joogsaday dhamaan isu socodkii  bulshada. Sidoo kale guddoomiye Cabdullahi Xasan ayaa dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ku eedeeyey inay ka gaabiyeen wax ka qabashada xaaladda culus ee ka dhalatay fatahaada wabiga oo saameeyn ba,an ku yeelatay adeegyadii bulshada .
Madaxweyne Farmaajo oo Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb
WORLD

Madaxweyne Farmaajo oo Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB- Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb Wafdiga uu horkacayo madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Madaxda Maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur galbeed Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaan ka qeybgalin soo dhoweynta madaxweynaha iyagoo ka maqan magaalada Dhuusamareeb. Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb ayaa ka dambeeysay, kaddib markii Madaxda dowlad Goboleedyada todobaad ka hor ay shir ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ay ugu baaqeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay ka soo qeyb galaan shir looga arrinsanayo xal ka gaarista Doorashooyinka HO...
Imtixaanka Shahaadada Dugsiga Sare Ayay  U Fariisatay Iyadoo Ku Jirta Isbitaalkii Ay Ku Umushay
WORLD

Imtixaanka Shahaadada Dugsiga Sare Ayay U Fariisatay Iyadoo Ku Jirta Isbitaalkii Ay Ku Umushay

Ka dib markii maanta uu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) Magaalada Muqdisho ka daahfuray Imtixaanka shahaadiga dugsiga sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ayaa haweeney umul ah imtixaanka ay ku gashay isbitaalkii at ku jirtay 34,600 oo Arday ayaa u fariistay Imtixaamka Shahaadiga ah ee ay qaadeyso dowladda soomaaliya, kaas oo ka furmay Gobolka Banaadir iyo Magaalooyinka maamul Goboleedyada sida, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug. Ardayda Maanta Imtixaanka u fariisatay ayaa waxaa kamid aheyd Shamso Maxamad Xaashi oo dhameysatay waxbarashada Fasalka  4-aad ee Dugsiga Sare, waxaana Imtixaanka ay ku gashay gudaha Isbitaalka Kalkaal ee Magaalada Muqdisho oo dhawaan ay ku umushay Sha...
Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka oo Si,weeyn Loogu Soo Dhaweeyay Xeraale
WORLD

Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka oo Si,weeyn Loogu Soo Dhaweeyay Xeraale

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa gaaray magaalada Xeraale ee Gobolka Galgaduud, halkaa oo si weyn loogu soo dhoweeyay Guddoomiya ku-xigeenka ayaa markii uu gaaray Xeraale waxa sii diiran ugu soo dhaweeyay qeybaha bulshada, kuwaasi oo sitay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayaan socdaalka uu ku tegay Xeraale iyo sawiradiisa. Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Maamulka deegaanka, Odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada, isagoo warbxino ku saabsan xaaladda amni iyo baahiyaha ay qabaan ka dhageystay, una balan qaaday in wax badan laga qaban doono arrimaha ay soo gudbiyeen. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed...
Somalia ‘Not Ready’ For Direct Elections, Federal State Leaders Say “
WORLD

Somalia ‘Not Ready’ For Direct Elections, Federal State Leaders Say “

A man casts his ballot on November 16, 2016, in Baidoa, Somalia. PHOTO | SIMON MAINA | AFP THE EAST AFRICAN Meeting in Dhusamareb, the capital of Galmudug federal state, the leaders called for “pragmatism” in the face of the short time needed to prepare for elections.Somalia had planned to hold parliamentary elections by the end of October, and presidential elections by February By AGGREY MUTAMBO. More by this Author The likelihood of Somalia holding one-person-one-vote polls now appears less certain as five regional state presidents have endorsed an indirect election as long as it is held on time. Meeting in Dhusamareb, the capital of Galmudug federal state, the leaders called for “pragmatism” in the face of the short time needed to prepare for elections. A dispatch issu...
Djabouti oo Dib U Furaysa Duulimaadyadii  Caalamiga Ahaa
WORLD

Djabouti oo Dib U Furaysa Duulimaadyadii Caalamiga Ahaa

Dawlada Jabuuti ayaa waxa ay shaacisay in ay dib u furi doonto maalmaha soo aadan duulimaadyada diyaaradeed ee dalkaasi. Wasaaradda Gaadiidka dalka Jabuuti ayaa waxa ay sheegtay in ay dib u furmi doonaan duulimaadyada Caalamiga ah ee dalka Jabuuti si loo kordhiyo dhaqaalaha dalka Jabuuti oo uu dib u dhac weyn ku yimid. Dalka Jabuuti ayaa waxaa la xiray duulimaadyadii diyaaradeedv ee caalamiga ahaa kadib markii ay soo wajahday xaalad caafimaad darro uu keenay cudurka COVID-19. Hadda dalka Jabuuti ayaa waxaa hoos u dhacay cudurkaan oo horay looga helay, waana sababta loo furayo maadaama aysan jirin wax baqdin ah oo ay ka qabaan shacabka iyo dawlada Jabuuti, dhaqaalihii dalkuna uu hoos u dhacay.
Lix doomood oo Sidday 82 Muhaajiriin   Soomaali Ay ku jiraan Ayaa lagu Qabtay Xeebaha Dalka Engriiska
WORLD

Lix doomood oo Sidday 82 Muhaajiriin Soomaali Ay ku jiraan Ayaa lagu Qabtay Xeebaha Dalka Engriiska

Bbc News Dad muhaajiriin ah oo Soomaali ay ku jiraan ayaa waxaa lagu qabtay xeebaha dalka Ingiriiska. Muhaajiriintan ayaa waxa ay ka soo kala jeedaan sida la sheegay dalalka Iran, Yemen, Masar iyo Soomaaliya,ayaa la qabtay iyaga oo socdaal sharci daro ah doonaya in ay ku galaan dalka Ingiriiska HORMUUD TELECOM ISGAARSIIN LA HUBO Tahriibayaasha oo tiradoodu gaareeyso 82 qof ayaa Ciidamada Ilaalada xeebaha ee dalka Ingiriiska ay qabteen Iyaga oo la socday doomo yar yar. Mudooyinkii dambe ayaa waxaa sii yaraanayay muhaajiriinta iyo tahriibayaasha doonaya in ay isaga kala tallaabaan qaaradaha dunida .