WORLD

Djabouti oo Dib U Furaysa Duulimaadyadii  Caalamiga Ahaa
WORLD

Djabouti oo Dib U Furaysa Duulimaadyadii Caalamiga Ahaa

Dawlada Jabuuti ayaa waxa ay shaacisay in ay dib u furi doonto maalmaha soo aadan duulimaadyada diyaaradeed ee dalkaasi. Wasaaradda Gaadiidka dalka Jabuuti ayaa waxa ay sheegtay in ay dib u furmi doonaan duulimaadyada Caalamiga ah ee dalka Jabuuti si loo kordhiyo dhaqaalaha dalka Jabuuti oo uu dib u dhac weyn ku yimid. Dalka Jabuuti ayaa waxaa la xiray duulimaadyadii diyaaradeedv ee caalamiga ahaa kadib markii ay soo wajahday xaalad caafimaad darro uu keenay cudurka COVID-19. Hadda dalka Jabuuti ayaa waxaa hoos u dhacay cudurkaan oo horay looga helay, waana sababta loo furayo maadaama aysan jirin wax baqdin ah oo ay ka qabaan shacabka iyo dawlada Jabuuti, dhaqaalihii dalkuna uu hoos u dhacay.
Lix doomood oo Sidday 82 Muhaajiriin   Soomaali Ay ku jiraan Ayaa lagu Qabtay Xeebaha Dalka Engriiska
WORLD

Lix doomood oo Sidday 82 Muhaajiriin Soomaali Ay ku jiraan Ayaa lagu Qabtay Xeebaha Dalka Engriiska

Bbc News Dad muhaajiriin ah oo Soomaali ay ku jiraan ayaa waxaa lagu qabtay xeebaha dalka Ingiriiska. Muhaajiriintan ayaa waxa ay ka soo kala jeedaan sida la sheegay dalalka Iran, Yemen, Masar iyo Soomaaliya,ayaa la qabtay iyaga oo socdaal sharci daro ah doonaya in ay ku galaan dalka Ingiriiska HORMUUD TELECOM ISGAARSIIN LA HUBO Tahriibayaasha oo tiradoodu gaareeyso 82 qof ayaa Ciidamada Ilaalada xeebaha ee dalka Ingiriiska ay qabteen Iyaga oo la socday doomo yar yar. Mudooyinkii dambe ayaa waxaa sii yaraanayay muhaajiriinta iyo tahriibayaasha doonaya in ay isaga kala tallaabaan qaaradaha dunida .
Qaramada Midoobay oo Soo Saartay Digniino Cusub”
WORLD

Qaramada Midoobay oo Soo Saartay Digniino Cusub”

Qaramada Midoobay ayaa bilawday dib u eegidda codsi loogu talagalay si lacago loogu deeqo waddamada ugu saboolsan adduunka, taas oo ay kula dagaallami doonaan cudurka dilaaga ah ee Corona Virus. Madaxa gargaarka bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay, Mark Lowcock ayaa ka digay inay jiraan dalal badan ooay macluul ku sii kordheysa, kuwaas halka ay cunto yaraan baahsani ku habsatay, iyada oo uu dhaqaalahoodii uu saameeyay cudurka safmarka ah ee dunida saaqay Qaramada midoobay waxay shegeysaa in 265 milyan oo qof ay dhamaadka sannadkan wajihi karaan macaluul ba’an sababo la xiriira fayraska corona. Waxayna codsaneysaa hay’addu lacag dhan $10.3 balyan oo doolar. Lacagaha ay qaramada midoobay dalbaneyso ayaa waxaa loo adeegsan doonaa waddamada uu dhaqaalahooda cagaha badan ku t...
Madaxweyne Farmaajo oo Ku Wajahan Dhuusamareeb
WORLD

Madaxweyne Farmaajo oo Ku Wajahan Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa sacadihii lasoo dhaafay gaaray wefdi ballaaran oo hordhac u ah safarka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku tegayo magaalada Dhuusamareeb. Wefdiga gaaray magaalada Dhusmareeb ayaa waxa ay ka koobanyihiin masuuliyiin ka socday xafiiska madaxweynaha iyo Ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada ee koofiya casta kuwaas oo xaqiijinaya amniga ka hor inta uusan madaxweynuhu tegin halkaas U jeedada safarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa salka ku heysa baaqii madaxda dowlad gobaleedyada ee ku aaddanaa in madaxda dowladda fedraalku ay kasoo qeyb galaan wejiga labaad ee Shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka isla markaana ay yeesheen madaxda maamul gobaleedyada. Dhinaca kalana mad...
Sanbaloolshe “Inta Aan Ka Aqaan Farmaajo Waa nin Aan Ka Fuqin Meeshuu  Ku Dhego”
WORLD

Sanbaloolshe “Inta Aan Ka Aqaan Farmaajo Waa nin Aan Ka Fuqin Meeshuu Ku Dhego”

Taliyihii hore ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Goobjoog kaga hadlay doorashooyinka, shirka Dhuusamareeb ee dowlad goboleedyada iyo arrimo kale. Sanbaloolshe ayaa sheegay in shirka Dhuusamareeb uu yahay shir xasaasi ah oo waqtigiisa ku soo aaday, isla markaana loo baahan yahay in maamul goboleedyada ku adkeystaan mowqifkooda si dalka doorasho uga dhacdo, maadaama waqti badan jirin. Mr Sanbaloolshe ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu weli ku adkeysanayo doorasho qof iyo cod, isla markaana aan la diyaarin afartii sano ee uu xilka hayay, waxaa uu tilmaamay inuu doonayo labo sano oo muddo kororsi ah sida uu yiri. HORMUUD TELECOM ISGAARSIIN LA HUBO “Farmaajo inta aan ka aqaan waa nin aan ka guurin...
Premier League European Qualification 2020-21: Which Teams Will Reach The Champions League And Europa League?
WORLD

Premier League European Qualification 2020-21: Which Teams Will Reach The Champions League And Europa League?

GOAL- Which clubs will be representing England in UEFA competition next season? Goal brings you all the confirmed qualifiers and contenders Securing a place in the Champions League or Europa League brings considerable financial rewards to teams thanks to the associated participation money and sponsorship boosts. The Premier League is one of the continent's top divisions, with its clubs regularly competing at the latter stages of both of UEFA's flagship club tournaments, so the league's coefficient is strong. As a result, the number of UEFA competition places reserved for English clubs is the highest available - seven. Editors' Picks Jeremy Doku: Belgian teen Klopp wanted to succeed Mane at LiverpoolRamos still 'the f*cking boss' as Rea...
Qaar Ka Mid Ah Ergadii Ka Qeyb Gashay Shirkii Dhuusamareeb oo Casuumaad Loogu Sameeyay Guriceel
WORLD

Qaar Ka Mid Ah Ergadii Ka Qeyb Gashay Shirkii Dhuusamareeb oo Casuumaad Loogu Sameeyay Guriceel

Wasiirka Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Soomaaliya Mudane Axmed Nuur Sheekh Maxamed (Mashruuc) ayaa sheegay in wafdiga ka socday dowlad Goboleedyada ee ku sugnaa maalmahan Degmada Dhuumasamareeb marti qaad loogu sameeyay magaalada Guriceel. Mudane Maxamed Nuur Sheekh Maxamed oo la Warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Guriceel ay ergooyinka ka qeyb galay shirka Dhuusamareeb qado sharaf ugu sameeyeen beer ku taalo duleedka magaalada Guriceel, isagoo intaa ku daray in ergooyinka ay isugu jiraan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Soomaaliya Mudane Axmed Nuur Sheekh Maxamed (Mashruuc) ayaa sheegay in sidoo kale uu Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Dhiblaawe casho sharaf u sameeyay Wasiirada ...
SHANTA MAAMUL-GOBOLEED IYO SHEEKADII GAR NAQSI
WORLD

SHANTA MAAMUL-GOBOLEED IYO SHEEKADII GAR NAQSI

Waxaa Tiriyay. Bootaan Axmed Xalane GAL-MUDUGwarankii yaambaan ka tumayweerarkii sooryaan u rogayweyraxii wilisiqaan u duwaywixii laygu xaman jiriyowarkii kululaa ka tegayhaddaan ahay wiil gal-mudugsoomaali is weheshatiyomidnimo waartoo jirtaanmarkaan calanka u wilwilay.wasiisiga doorashiyowalaahowgaan jiranawalaalaha gobolladiyowasiir- koobaadka iyowakiillada aqalka sarehalkey wadartood jirtaanku waafaqayaa ra'yiga. PUNTLANDwaxaan ahay warasadiiwaqood maamuli jirteewaddankaan la i dafiraywaax qura ley diiddan yahaywadniyo beer baan u ahaywarmoogyada talinayowwaagii baan idiin beryinehaddaan waaxid igu galladinweynuhu sabab iiga dhiginwax soomaaliya la dhohoruntii waa la weyn lahaa.mudnaan weydiisashiyowaanwaan kale ii dib dhigedoorasho waqtigeed dhacdiyowarkayagood qaadataanaya...
Madaxda Dowlad goboleedyada oo u Ambabaxay Magaalada Garowe
WORLD

Madaxda Dowlad goboleedyada oo u Ambabaxay Magaalada Garowe

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa u ambabaxay magaalada Garowe, halkaasoo ay uga qeyb galayaan aaska Madaxweynihii hore ee Puntland AUN Maxamed Cabdi Xaashi oo maanta la aasayo. Madaxweyne hore ee Puntlnad ayaa meydkiisa laga soo qaaday magaalada Nairobi oo uu dhowaan ku geeriyooday waxaana aaskiisa ka qeybgalaya madax badan oo isugu jira heer federal iyo heer maamul goboleed. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isna la filayaa inuu berri aado magaalada Garowe, si uu uga qeyb galo Aaska AUN Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Gudoomiye Mursal Xukuumadda Iyo Maamul Goboleedyada Kaligood Go’aan Kama Gaari Karaan Doorashada”
WORLD

Gudoomiye Mursal Xukuumadda Iyo Maamul Goboleedyada Kaligood Go’aan Kama Gaari Karaan Doorashada”

Muqdisho Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka horyimid baaqii Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ee ahaa in xiligaan Doorasho qof iyo Cod aysan ka dhicin dalka, loona baahan yahay in la aado Doorasho dadban. Guddoomiye Maxamed Mursal oo ka hadlaayay Kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin meel ay ku qoran tahay in xiligaan la aado Doorasho dadban. Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka in wixii shuruuc ah ee la xiriira Doorashada dalka Soomaaliya lagu aadi lahaa ay awood u leeyihiin Baarlamaanka, isla markaana Arrimaha Doorashada aysan shaqo ku laheyn Dowlad Goboleedyada dalka ka jira. “Meel ay ku qoran tahay ma jirto xilligaan in la aado doorasho dadban, ...