Gudoomiye Mursal Xukuumadda Iyo Maamul Goboleedyada Kaligood Go’aan Kama Gaari Karaan Doorashada”

Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka horyimid baaqii Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ee ahaa in xiligaan Doorasho qof iyo Cod aysan ka dhicin dalka, loona baahan yahay in la aado Doorasho dadban.

Guddoomiye Maxamed Mursal oo ka hadlaayay Kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin meel ay ku qoran tahay in xiligaan la aado Doorasho dadban.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka in wixii shuruuc ah ee la xiriira Doorashada dalka Soomaaliya lagu aadi lahaa ay awood u leeyihiin Baarlamaanka, isla markaana Arrimaha Doorashada aysan shaqo ku laheyn Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

“Meel ay ku qoran tahay ma jirto xilligaan in la aado doorasho dadban, wixii shuruuc ah ee doorasho lagu aadi lahaa waxaa iska leh Baarlamaanka malahan dowlad goboleedyada” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka

GUDOOMIYE MURSAL AYAA DHINACA KALE WEERAR AFKA AH KU QAADAY G/KUXIGEENKA GOLAHA SHACABKA MAHAD C/DALA CAWAD

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay Safarkii Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka uu shalay ku tegay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddoomiye Mursal ayaa waxaa uu sheegay in Guddoomiye Mahad Cabdala Cawad uusan Dhuusamareeb u tegi matalaad uu matalayo Golaha Shacabka, hayeeshee uu isaga iskiis ku aaday halkaas.

Sidoo kale Guddoomiye Mursal ayaa waxaa uu tilmaamay in Safarkii Mahad Cawad ee  Dhuusamareeb uu ku noqday Arrin fajac ah, kaidib markii uu lagu arkay Sawirro laga soo qaaday Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo shalay halkaas gaaray.

HORMUUD TELECOM ISGAARSIIN LA HUBO

Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu tilmaamay in Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka uu Caasimadda Galmudug u tegay danihiisa, uusan Safarkiisa ku matalin Xildhibaanada Golaha Shacabka.

“Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad matalaad uu matalayo Golaha Shacabka kuma aadin magaalada Dhuusamareeb, arrintaas fajac ayay nagu noqotay markii aan aragnay sawirada isaga oo la socda Ra’isal Wasaaraha, sxbkeen Mahad Cawad danihiisa ayuu u aaday Dhuusamareeb ee anaga nama matalo, guddoon daba socda Xukuumadda wa ceeb” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Guddoomiye Mahad Cabdala Cawad ayaa kamid ahaa wafdigii shalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre u raacay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana Kheyre uu halkaas uga qeyb geli doonaa Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada uga furmayo maalmaha soo socda.

Leave a Reply