WORLD

Muntari Wuxuu Dib Ugu Laabtay xusuusta  Macalinkiisii Mourinho Iyo waayihiisii Inter Milan
WORLD

Muntari Wuxuu Dib Ugu Laabtay xusuusta Macalinkiisii Mourinho Iyo waayihiisii Inter Milan

Xiddiga reer Ghana ayaa fikradihiisa la wadaagaya tababarihiisa intii uu joogay Inter Milan Xiddigii hore ee qadka dhexe ee kooxda Inter Milan Sulley Muntari ayaa ku booday difaaca kooxda uu tababarihi hore ee Jose Mourinho ka qaatay qaabkii uu u ciyaarayay tababaraha reer Portugal kaasoo si weyn loogu sharaxay 'kubada cagta xun'. Mourinho, oo hada ah maamulaha kooxda Tottenham Hotspur, ayaa caan ku ah falsafadiisa daafaca, nidaam intii uu macalin u ahaa Chelsea iyo Inter, oo uu kula guuleystay Champions League 2010. Muntari wuxuu ka hoos ciyaaray macalinkii hore ee Real Madrid intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2010 SALAAMA SOMALI BANK Shaki la’aan, Muntari iyo Mourinho waxa ugu weyn ee ay wada gaareen weli waa guushii Champions League ee 2010 halkaasoo ay finalka ku garaaceen ko...
Amaanka Magaalada Dhuusamreeb oo Sare Loo Qaaday
WORLD

Amaanka Magaalada Dhuusamreeb oo Sare Loo Qaaday

DHUUSAMAREEB- Iyada oo habeenkii sadaxaad magaalada Dhuusamreeb ay ku hoyanayaan madaxda maamulgoboleedyad oo Dhuusamreeb oo shir uga socdo ayaa waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalada Dhuusamreeb oo ciidamada ka tirsan kuwa Booliska Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa siweyn u xaqiijinaya amniga Magaalada Dhuusamareeb oo uu shalay ka furmay Shirka Madax,weyneyaasha maamul Goboleedyada dalka. Waddooyinka waaweyn ee Dhuusamareeb ayaa waxaa la geeyay Ciidamo badan oo Boolis ah, kuwaasi oo baaritaano kala duwan ku sameeynaya gaadiidka, isla markaana baro Koontarool ka sameeystay Magaalada dhexdeeda. Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Galmudug General: Bishaar Abshir Geedi oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in ay gudanayaan waajibka Booliiska ka saaran Amniga, isagoo B...
Lafta gareen “Waxa Aan maanta ka Hadleyno waa wax dan U Ah DFS”
WORLD

Lafta gareen “Waxa Aan maanta ka Hadleyno waa wax dan U Ah DFS”

DHUUSAMAREEB RADIODALSAN Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya C/casiis Lafta Gareen oo ka hadlayay shirka Wadatashiga dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiim ah oo ay ku tashanayaan. Madaxweyne lafta-gareen ayaa waxaa uu sheegay in shirka Maanta u furmay Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada ay uga tashanayaan sidii loo wadaagi lahaa marxalada maanta taal ee kala guurka ah iyo Arrimaha Doorashada dalka Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa uu sheegay in Doorashada dalka ka dhaceysa loo baahan yahay inay noqoto mid ku dhacda waqtigii loogu tala-galay, isla markaana ay noqoto mid dadka Soomaaliyeed oo dhan ay heshiis ku yihiin sida madaxda dowladda sheegtay. “Waxaan ka tashaneynaa Doorasho sidii loo wadaagi lahaa, marxalada maant...
Dani”Doorashadu waa In ay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay.
WORLD

Dani”Doorashadu waa In ay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay.

DHUUSAMAREEB- RadioDalsan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Khudbad ka jeediyay Shirka Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada dalka uga socda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Madaxweyne Deni ayaa oo ka hadlaayay Arrimaha Doorashada dalka la filayo inay ka dhacdo ayaa waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliya ay muddo dheer sugayeen inay ka baxaan nidaamka doorasho ee lagu soo dhaqmayay sanadihii dambe. Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Puntland in Nidaamka doorashooyinka kale ee aan aheyn qof iyo cod ay wanaagsan tahay, isla markaana Doorashada dalka ay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay. “Dalku mudo badan wuxuu ku taamayay in uu ka baxo nidaamka doorasho ee lagu soo dhaqmayay oo loo gudbo nidaam doorasho qof iyo cod ah, waana aragti ...
Qoor,qoor” Ujeedka Ugu weyn ee Shirka Dhuusamareeb wa..
WORLD

Qoor,qoor” Ujeedka Ugu weyn ee Shirka Dhuusamareeb wa..

DHUUSAMAREEB - Radio dalsan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Khudbad ka jeediyay Shirka Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka uga furmay Magaalada Dhuusamareeb. Madaxweyne Qqoorqoor ayaa waxaa uu sheegay in Shirka ka dhacaya Dhuusamareeb uu ujeediisu yahay sidii Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka uga wada-tashan lahaayeen hanaanka Doorashooyinka qaranka ee dalka ka dhacaya. “Ujeeddada gogosha aan dhignay caasimadda Galmudug, waxaa ay tahay, in xal rasmi ah laga gaaro, xalka doorashooyinka Qaran ee innagu soo food leh” ayuu yiri Qoorqoor. Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu sheegay in Iskaashi dhexmara dowlad Goboleedyada dalka ay Galmudug u argto mid muhiim ah, isla markaana ay arrintaas ay laga maarmaan u tehay himilooyi...
Axmed Madoobe “Waa Lagama Maarman In Doorashadu Noqoto Mid la isla Ogolyahay
WORLD

Axmed Madoobe “Waa Lagama Maarman In Doorashadu Noqoto Mid la isla Ogolyahay

DHUUSAMAREEB- RADIODALSAN Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Dhuusomareeb ee Caasimada Galmudug kaga qaybgalay shirka wadatashiga Dowladaha xubnaha ka ah Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu u mahad celiyay dhamaan Shacabka iyo Xukuumada Galmudug sidii sharafta iyo Maamuuska lahayd ee ay usoo dhaweeyeen wafdigiisa iyo dhamaan ka qaybgalayaasha shirkan. Waxaa Madaxweynahu uu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkan uu noqdo mid wax badan ka tara Arimaha Siyaasada ee dalka ka taagan oo ay ugu weyn tahay Arimaha Doorashooyinka. Madaxweynaha waxaa kale oo uu sheegay in tartanka Doorashada Madaxtinimada dalkeenu ay soo martay marxalado kala duwan iyadoo ay tan iyo markii Federaalka la Aa...
Waare” Maqaamka Iyo matelaadda G/Banaadir ma,ahan mid muran la galin karo
WORLD

Waare” Maqaamka Iyo matelaadda G/Banaadir ma,ahan mid muran la galin karo

DHUUSAMAREEB--RADIODALSAN Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo khudbad ka jeediyay Shirka Wadatashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Dhuusa Mareeb ayaa ka hadlay arrimo Kale duwan oo la xiriira Xaaladda Wadanka, arrimaha Doorashooyinka Matalaada iyo Maqaamka Caasimada Muqdisho, Dastuurka Dalka Iyo arrimo Kale Duwan. Madaxweynaha oo ka hadlayay muhiimada ku dhaqanka Dastuurka uu u leeyahay Dalka Xasilooni Siyaasadeed in uu helo, islamarkaana horey ay u dhaqaaqdo, Dowladnimada, waxaana uu ka hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay, in doorashada Waqtigeeda ay ku dhacdo waqtigeeda ku dhacdaa waa meesha nidaamka laga neefinaayay, ayna tahay in laga heshiiyo, wixii intaas ka soo haro waa farsamo, Guddiga doorashadada waa farsamo, Xaliimo Y...
Shirka wadatashiga dowlad Goboleedyada oo ka furmay Magaalada Dhuusamareeb
WORLD

Shirka wadatashiga dowlad Goboleedyada oo ka furmay Magaalada Dhuusamareeb

DHUUSAMREEB-- RADIOKULMIYE Shirka Wadatashiga dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa goor dhow furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Madaxda dowlad goboleedyada oo ka qeybgalaysa shirkan ayaa haatan wada qudbadihii ay ka jeedinayeen furitaanka shirkan. Ajandaha shirka maanta ayaa ah furitaanka khudbadaha Madaxda dowlad goboleedyada, kadibna waxaa loo guda geli doonaa shirar ay albaabada u xiran yihiin oo ay si gaar gaar ah iyo si guudba ay u yeelanayana wafuuda ay hoggaaminayaan Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddiyo Farsamo ay iska magacaabeen shanta maamul goboleed.
Dib u dhac mar kale ku yimid shirkii madaxda maamul goboleedyada ee magaalada dhuusamareeb
WORLD

Dib u dhac mar kale ku yimid shirkii madaxda maamul goboleedyada ee magaalada dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB - Wararka naga soo gaaraya magaalada dhuusamareeb ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu markale dib u dhac ku yimid shirkii madaxda maamul goboleedyada uga furmi lahaa halkaas. Shirka oo lagu madalsanaa inuu furmo malintii shalay ahayd ayaa dib u dhacay iyadoo sidoo kale maanta oo Jimco ahna uu markale dib u dhacay. HORMUUD TELCOM ISGAARSIIN LA HUBO Lama oga sababta ka dambeysa dib u dhacyadan hase yeeshee waxaa lagu madalsan yahay in maalinta berri ah uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb. Hadda ayaa waxaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb dhammaan madaxda maamul goboleedyada kuwaas oo siyaabo kala duwan u kala gaadhay magaalada Dhuusamareeb si ay uga qayb galaan shirkaasi.
Aqalka Cad muxuu ka yiri  xiriirka  Taiwan iyo Somaliland ?
WORLD

Aqalka Cad muxuu ka yiri xiriirka Taiwan iyo Somaliland ?

BBC- Xafiiska Aqalka Cad u qaabilsan arrimaha Amniga Qaranka ayaa ammaanay galaangalka diblumaasiyadeed ee Tiawan ay ka bilowday Bariga Afrika gaar ahaan "Somaliland." "Waa guul laga gaaray xiriir diblumaasiyadeed ee naadirka ah ka dib markii ay Taiwan xiriir la yeelatay gobolka madaxa bannaan ee Somaliland", ayaa lagu qoray wakaaladda wararka ee Mareykanka ee Associated Press. Xiriirka xun ee kala dhexeeya Shiinaha ayaa sababay in dowladnimo ay waydo Taiwan oo ah maamul dimuquraadi ah oo xiriir la leh illaa 15 dal oo keli ah, kamana tirsano Qaramada Midoobeey. Sidoo kale inta badan hay'adaha caalamiga ah waxay xiriir toos ah la leeyihiin Xukuumadda Beijing oo keli ah. "Waa muhiim in la arko Taiwan oo sare u qaadeysa shaqadeeda xiriir ee Bariga Afrika, xilliga oo ay baahi badan jirto," aya...