WARARKA

Farmaajo oo Lagu Eedeeyay In Siyaasadda Arrimaha Dibadda Uu U Adeegsado Dano Gaar Ah
WARARKA

Farmaajo oo Lagu Eedeeyay In Siyaasadda Arrimaha Dibadda Uu U Adeegsado Dano Gaar Ah

29" January "2021" Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna Musharax Madaxweyne ayaa eed kulul u eedeyyay Dowladda Federaalka, isagoo si gaar ah kaga hadlay qaabka Dowladda Soomaaliya ay u wajahday siyaasadeeda arrimaha dibadda. Waxaa uu sheegay in Dowladdu ay lumisay waddamo badan oo Saaxiibbo ah, waxaaana uu tilmaamay intaasi uu sabab u yahay Madaxweyne Farmaajoo Siyaasaddii arrimaha dibedda dalkeena waxey noqotay mudac uu Madaxweyne Farmaajo cid walba ku mudo. Warqad wiifta ah iyo war degdeg ahna lagu tebiyo. Intii go’aan la soo saarayey ma jirin masdar uu ka soo fulay iyo marjic loo celiyo. Ma jirto meel ay gole wasiirro, gole amni qaran, guddiyo arrimo dibadeed iyo gaashaandhig ee labada aqal ee Baarlamaanka iyo gole wadatashi qaran midkoodna talo ku lahaayeen” a...
Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Guddiyadii Ay Magacabeen Jubbaland Iyo Puntland
WARARKA

Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Guddiyadii Ay Magacabeen Jubbaland Iyo Puntland

29" January "2021 Beesha Caalamka ayaa war kasoo saaray magacaabidda Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Jubaland iyo Puntland, waxaana si buuxda ay beesha Caalamku u0u taageertay soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan si horey loogu socdo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay. Hoos ka aqriso Qoraalka Beesha Caalamka kasoo baxay Saaxiibada beesha caalamku waxay soo dhoweynayaan magacaabidda Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Jubaland iyo Puntland, ee la soo bandhigay 27ka bisha Janaayo. Inkastoo ay soo daahday, tallaabadan wanaagsan waaxay gacan ka geysan kartaa abuurid...
Metelaada Xubnaha Aqalka Sare ee gobolka Banaadir oo Wali ah Mid Kumeel Gaar Ah
WARARKA

Metelaada Xubnaha Aqalka Sare ee gobolka Banaadir oo Wali ah Mid Kumeel Gaar Ah

29" January "2021" MUQDISHO- Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maanta saxiixay in gobolka Banaadir uu ku yeesho 13 kursi, kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad,ayaa qoraalka uu saxiixay Madaxweynaha waxaa ka muuqda in Kuraastaasi ay yihiin kuwo kumeel gaar ah oo aan rasmi ahayn. Qoraalka uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo ayaa qodobkiisa 2aad waxaa ku qoran sidan;“Si waafaqsan go’aankii golaha shacabka, gobolka Banaadir wuxuu ku yeelanayaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad Metelaad 13 kursi oo kumeel gaar ah inta laga dhamaystirayo Dib U Eegista Dasturka Kumeel gaarka ah.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u cuskuday saxiixida qoraalkan in uu yahay qaraar ay Golaha Shacabka JFS u soo gudbiyeen kaasoo ku saabsanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare. ...
James Swan oo soo dhoweeyay magacaabista guddiga farsamo ee Jubbaland iyo Puntland
WARARKA

James Swan oo soo dhoweeyay magacaabista guddiga farsamo ee Jubbaland iyo Puntland

28" January "2021 Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa soo dhoweeyay Magacaabista Guddiyada doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Maamulada Jubbaland iyo Puntland. James Swan oo ka hadlayay maanta shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle isago iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlawe ayuu ku sheegay in uu soo dhoweynayo magacaabista guddigan. “Waan soo dhoweynayaa magacaabista guddiga aan saaka maqalnay inay ku dhowaaqeen madaxda Jubbaland iyo PUntland.”ayuu yiri James Swan. Hase yeeshee waxaa uu sheegay in mowqifkooda rasmiga ah ay wada tashi ka yeelan doonaan xubnaha beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya. Sidoo kale Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyay kulanka ay lagu baqa...
Jabuuti oo ka hadashay go’aanka ay soo saareen guddiga xaqiiqo raadinta khilaafka Soomaaliya iyo Kenya
WARARKA

Jabuuti oo ka hadashay go’aanka ay soo saareen guddiga xaqiiqo raadinta khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

28" January 2021 Dowlada Jabuuti ayaa ka hadashay go’aankii ka soo baxay guddiga xaqiiqo raadinta ee urur goboledka IGAD u magacaabay khilaafka ka dhex jira dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda Jabuuti ayaa lagu sheegay in go’aanka ka soo baxay guddiga xaqiiqo raadinta ee dowlada Jabuuti ka socday uu ahaa mid loo fuliyay si dhexdhexaadnimo ah. “Howlaha guddiga waxaa la fuliyay kadib ruqsad laga helay dalalka Kenya iyo Soomaaliya horaantii bishan markii ay guddigu booqdeen labada dal.”ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale qoraalka ayay dowlada Jabuuti ku sheegtay in dowlada Jabuuti ay xiriir wanaagsan la leedahay labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ayna dooneyso in xal waara laga gaaro khilaafka u dhexeeya labada dal. Qoraalka ayay ...
Dowlada Soomaaliya oo ka hortimid qaabka loo magacaabay Guddiyada Farsamo ee Jubbaland iyo Puntland
WARARKA

Dowlada Soomaaliya oo ka hortimid qaabka loo magacaabay Guddiyada Farsamo ee Jubbaland iyo Puntland

28" January 2021 War kasoo baxay Dowlada Federalka ayaa waxaa ay ku sheegtay inaan la soo gaarsiin guddiga ay Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay soo magacaabeen. Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aan lasoo gaarin qoraal rasmi ah oo ku saabsan Magacaabista Guddiyada Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee maamulaya doorashooyinka heer Dowlad Goboleed. Xafiiska Wasiirka 1-aad ee XFS iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta midkoona sooma gaarin qoraal rasmi ah oo ku saabsan Magacaabista Guddiyada Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee maamulaya doorashooyinka heer Dowlad Goboleed” ayaa lagu yiri Qoraalka. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland aya...
Midowga Musharaxiinta oo soo dhoweeyay magacaabista guddiga doorashooyinka Puntland iyo Jubbaland
WARARKA

Midowga Musharaxiinta oo soo dhoweeyay magacaabista guddiga doorashooyinka Puntland iyo Jubbaland

28" January " 2021 Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa soo dhaweeyay magacaabista Guddiyada Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ay xalay ku dhowaaqeen madaxweynayaasha maamuladaas. Qoraal ka soo baxay Golaha ayaa sidoo kale lagu soo dhaweyeeyay in ay shir degdeg ah ay isugu yimaadaan Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, Midowga Murashaxiinta iyo Bulshada Rayidka ah si xal wadar oggol ah loogu helo caqabadaha ku gudban hirgelinta heshiiskii 17-kii September 2020. Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta;
COVID death toll in Americas reaches 1 million people
WARARKA

COVID death toll in Americas reaches 1 million people

28" January " 2021"  AL JAZEERA AND NEWS AGENCIES By Mersiha Gadzo Hospital situation in Brazil is particularly worrying, with three-quarters of ICU beds occupied in many states, PAHO director says More than one million people in the Americas have now died from complications due to COVID-19, the head of the Pan American Health Organization (PAHO) has said.As many as 90,000 Americans are projected to die from the coronavirus in the next four weeks, the Biden administration has warned in its first science briefing on the pandemic.The United Kingdom’s official coronavirus death toll has passed 100,000, as UK Prime Minister Boris Johnson announced hotel quarantines on international travellers to stop new virus variants from reaching the country.More than 100.5 million people aro...
Farmaajo oo la kulmay Wasiirka Difaaca Ingriiska Ben Wallace
WARARKA

Farmaajo oo la kulmay Wasiirka Difaaca Ingriiska Ben Wallace

27" January " 2021" MUQDISHO- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Difaaca Boqortooyada Ingiriiska  Ben Wallace oo uu wehelinayay Safiirka Ingriiska ee Soomaaliya Ben Fender. Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Wasiirka qorsheyaasha hirgalay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xaqiijisay hannaanka dib u dhiska Ciidamada, amniga, dib u heshiisiinta iyo la dagaallanka Al-Shabaab. Wasiirka Gaashaandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo kulanka ka qeyb galay ayaa ka warbixiyey wadahadallada miro-dhalka ah ee dhexmaray labada dhinac, iyadoo la isla qaatay adkeynta iskaashiga labada dal ee dhanka Amniga iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada. “Dowladd...
James Swan;”Ma filayo in doorasho ay ka dhici karto dalka kahor 8da Febraayo”
WARARKA

James Swan;”Ma filayo in doorasho ay ka dhici karto dalka kahor 8da Febraayo”

27" January "2021 Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay James Swan oo shir jaraa’id ugaga hadlay xaalada siyaasada ee dalka Soomaaliya ayaa rajo ka muujiyay in la gaaro heshiis loo wada dhan yahay oo qabashada doorashada dalka Soomaaliya. James Swan ayaa sheegay in uu la kulmay madaxda dowlada federalka iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta kale ee dalka uuna kala hadlay sidii loo gaari lahaa heshiis dhinaca doorashooyinka dalka ah. Mar uu ka hadlayay Ambassador James Swan ayaa sheegay suurtogalnimada inay doorashada dhacdo kahor 8da Febraayo ayuu ku jawaabay; “Ma filayo in ay dhici karto kahor 8da Febraayo doorashada labada aqal iyo kan madaxweynaha sababtoo  ah waa waqti aad u kooban,balse waxa aan rajeynayaa in la gaaro heshiis loo wada dhan yahay o...